Thursday, September 19, 2024
25.4 C
Mogadishu

About Us

SHABAKADDA WARBAAHINTA ISBAHAYSI

1. Guudmar

Shabakadda Warbaahinta ee Isbahaysi waa hay’ad warbaahineed oo madax bannaan, taas oo la aasaasay Maarso, 2024. Warbaahintan oo cod u noqonaysa dhammaan inta aan codkooda la maqal, waxa ay si joogto ah u soo tebinaysaa xogaha dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalkeenna, Geeska Afrika iyo Guud ahaan caalamka, sidoo kale waxa ay diyaarinaysaa warbixinno joogto ah, waraysiyo kala duwan iyo majalad kalle ah, iyada oo isla markaasna shacabka Soomaaliyeed daaha uga faydaysa dhammaan xogaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka kale ee ka qarsoon.

Warbaahinta Isbahaysi waxa ay diiradda saaraysaa dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha juqraafi-siyaasadeed ee dalka, Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka. Waxa ay samaynaysaa barnaamijyo joogto ah, warbixino, falanqayno, doodo, baarisyo kala duwan iyo waraysiyo, iyada oo ay xogaha sugan, wacyigelinta iyo barnaamijyada ay qabato bulshada usoo marinaysa janallada kala duwan ee warbaahinta casriga ah, kuwaas oo isugu jira website, noocyada kala duwan ee baraha bulshada iyo majalad kalle ah oo ay soo saarto Warbaahintu.

Sidoo kale, waxa ay door muhiim ah ka qaadanaysaa horumarinta iyo kobcinta wacyiga guud ee bulshada Soomaaliyeed, shaqada warbaahinta iyo kobcinta tayada soo gudbinta xogta iyo wax-soosaarka, iyada oo diiradda la saarayo hagaajinta iyo sare-u-qaadidda tayada barnaamijyada, sugnaanta xogta, xoojinta xirfadda iyo aqoonta hawl-wadeennada, wacyigelinta bulshada iyo nuxurka barnaamijyada.

2. Hiigsiga

Hiigsigeennu waa in aan noqonno xarunta warbaahin ee ugu saamaynta badan ee guud ahaan dalka, taas oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagta xogo iyo warar sugan, cod u noqota kuwa aan codkooda la maqlin, kobcisana tayada wax-soosaarka warbaahinta iyo wacyiga guud ee bulshada Soomaaliyeed.

3. Himilada

Waxa aan diiradda saaraynaa hagaajinta iyo sare u qaadidda tayada barnaamijyada, sugnaanta xogta, xoojinta xirfadda iyo aqoonta hawl-wadeennada, wacyigelinta bulshada, kobcinta nuxurka barnaamijyada iyo baarista.

4. Mabaadi'da

1. Madax-bannaani: Ilaalinta madax-bannaanida warbaahineed ee dhinacyada tifaftirka iyo wax-soosaarku waxa ay noo tahay mabda’ aan sina looga gudbi karin, annaga oo ka madax bannaan eex siyaasadeed, saameyn dibadeed ama cadaadis ganacsi, si loo hubiyo in wax-soosaarkeenna warbaahineed uusan noqon mid dhinac u janjeera.

2. Dhexdhexaadnimo: Waxaannu ilaalinaynaa heerkeenna dhexdhexaadnimo ee dhammaan dhinacyada ku lug leh tabinteenna warbaahineed.

3. Anshaxa Saxaafadda: Waxaannu si weyn u ilaalinaynaa in warbixinnada yadu ay noqdaan kuwo wafaaqsan anshaxa saxaafadda, kuna dhisan hufnaan heerkeeda ugu sarreeya, annaga oo xaqiijinayna saxnaanta, caddaaladda iyo daahfurnaanta dhammaan hawlaha warbaahineed ee aannu qabanayno.

4. Isla-xisaabtan iyo mas’uuliyad: Waxaan diiradda saaraynaa sidii aannu dadweynaha fursad ugu siin lahayn inay la xisaabtamaan cid walba oo ay masiirkooda ku aamineen, annaga oo mas’uuliyad iska saarayna ilaalinta danaha guud ee ummadda.

5. Sinnaan: Waxaannu ayidaynaa sinnaanta, aragti kala duwanaanshaha iyo xuquuqda ra’yiga ee cid walba, annaga oo si siman u soo gudbinayna dhammaan codadka dhinacyada kula duwan.

Stay Informed with Isbahaysi

Get the latest news, updates, and exclusive content delivered directly to your inbox.

By subscribing, you agree to receive emails from Isbahaysi. You can unsubscribe anytime. Read our Privacy Policy.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...