Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

AFAR DIBLUMAASI OO MADAXWEYNAHA AY ISKU HAYB YIHIIN OO LA MAGACAABAY IYO AFAR REER PUNTLAND AH OO SHAQADA LAGA JOOJIYEY

(Muqdisho, Isbahaysi) Intiina la socotay qoraaladii hore een ka samaynay musuqa iyo qaraabo kiilka ragaadiyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaan soo bandhignay beegsiga lagu hayo dad gooni ah, gaar ahaan waxaan sadex maalin ka hor daabacnay caddaymo la xiriira afar Diblumaasi oo reer Puntland ah oo maalmo kooban gudahood shaqada laga cayriyay, taas oo dad badan ku abuurtay kalsooni darro ay dowladdooda ku qabaan, maadaama ay muujisay inaysan muwaadiniinta Soomaaliyeed dhex u wada ahayn.

Warbixintan cusub waxaan ku soo bandhgaynaa afar kale oo isku reer ah oo labo ka mid ahi yihiin raaska hoose ee Madaxweynaha, halka labada kalena la wadaagaan haybta guud, waxaana afarta Diblumaasi ee cusub la magacaabay isla maalmaha shaqada laga joojiyay afartii Diblumaasi ee isku reerka ahaa.

Baaritaan ay samaysay Shabakadda Isbahaysi waxay ku ogaatay in marka laga tago qaraabo kiilka iyo qabyaaladda ku dhex jirta sheekadan cusub ay magacaabistani ka soo horjeeddo sharciga siyaasadda arrimaha dibadda dalkeenna oo qeexaya in Diblumaasiga dibadda loo dirayo uu labo sano ka dhex shaqeeyo xarunta wasaaradda.

Labo ka mid ah afarta Diblumaasi weligood kama shaqayn wasaaradda iyo Diblumaasiyadda midna, halka labada kalena la isugu daray dalacsiin iyo wareejin xilli Diblumaasiyiintii ay isku wakhtiga ahaayeen dalka gudihiisa lagu soo celinayo.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!