Saturday, September 14, 2024
26.9 C
Mogadishu

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa 20-kii bishan Ogosto soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday Agaasimihii Xafiiska Warfaafinta Cabdiqaadir Cali Dige, halka uu u magacaabay xilkaas Cabdiraxmaan Xusayfi.

Cabdiqaadir Dige ayaa ku gacan sayray amarka uu xilka uga qaaday Agaasimaha Guud Mudabe Cabdixakiin Yuusuf, sidoo kale Dige wuxuu ganafka ku dhuftay in uu xilka ku wareejiyo Agaasimaha cusub ee magacaaban.

Wuxuu sidoo kale, ku tallaabsaday arrimo dhawr ah oo ceeb ku ah hanaanka kala danbaynta shaqo ee xarunta dalka looga taliyo ee Villa Somalia, isaga oo dhammaan shaqaalihii farsama yaqaanka ahaa ee Xafiiska Warfaafinta ka saaray page-ka Facebook ee Villa Somalia, isaga oo kaliya ayaana maamulka baraha bulshada isku koobay.

Agaasimaha Guud ee Villa Somalia, mudane Cabdixakiim Yuusuf oo aad uga carooday tallaabadan amar diidada ah ee uu ku kacay Agaasima Waaxeedka xilka laga qaaday ayaa tallaabadan gaarsiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo wacad ku maray haddii aan loo hoggaansamin awaamiirta iyo kala danbaynta shaqo ee Xafiiska Agaasimaha Guud uu xilka uu Villa Somalia u hayo iska casilayo.

Waa markii u horaysay taariikhda Madaxtooyada Soomaaliya ee shaqaaluhu u hoggaansami waayaan wareegtooyinka ka soo fula xafiiska Agaasimaha Guud ee madaxtooyada, sidoo kale wali ma dhicin taariikhda Agaasime Waaxeed, xilka laga qaaday oo xoog ku jooga xafiiskii shaqadiisa laga fanishay.

Warbaahinta kala duwan ee Caasimadda ka hawlgala ayaa si adag u diidan Agaasime Dige, kaas oo ay ku eedaynayaan in uu cadaadis joogta ah ku hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee uu xafiisku adeegga u qaban jiray. Waxay kale oo ku eedeeyeen in uu qabyaalad iyo nin jeclaysi ku kala dhawaysto warbaahinta.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

SALES TAX IN SOMALIA DOESN’T HAVE THE SAME IMPACT IN EAC NATIONS

(Isbahaysi, Mogadishu) Some individuals are drawing comparisons between Somalia and East African Community (EAC) member states in terms of Value-Added Tax (VAT). However, such...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
few clouds
26.9 ° C
26.9 °
26.9 °
69 %
8.8kmh
22 %
Sat
29 °
Sun
27 °
Mon
27 °
Tue
27 °
Wed
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!