AQALKA WAKIILLADA MAREYKANKA OO MEELMARIYEY SHARCI LAGU CUNAQABATAYNAYO SARAAKIISHA MAXKAMADDA DENBIYADA DAGAALKA (ICC)

0
Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Meelmariyey Sharci Lagu Cunaqabataynayo Saraakiisha Maxkamadda Denbiyada Dagaalka (Icc)
Aqalka Wakiilada Mareykanka Oo Meelmariyey Sharci Lagu Cunaqabataynayo Saraakiisha Maxkamadda Denbiyada Dagaalka (Icc)

Muqdisho (Isbahaysi) – Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa ansixiyey sharci looga jawaabayo go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada Dagaalka(ICC) ay waaranka soo qabasho ugu jartay Madaxda Dagaalka ee Israa’iil oo tan bishoo Oktoobar ee sannadkii hore xasuuq bahalnimo ah ka wada Marinka Qasa.

Aqalka Wakiillada Maraykanka oo ay ku badan yihiin xildhibaannada metela Xisbiga Jamhuuriga ayaa u codeeyey sharcigan. Sharcigan ayaa mamnuucaya in saraakiisha Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada (ICC) ee ku lug leh go’aankii soo qabashada Madaxda Dagaalka ee Israa’iil, ay soo galaan dalka Maraykanka, isla markaas xiriir wax kala iibsi ka samaystaan gudaha Maraykanka.

Sharci Yaqaan Karim Khan, Dacwad-oogaha Guud ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada Dagaalka (ICC)

Tallaabadan oo muujinaysa sida Maraykanku uu garab ugu yahay xulufadiisa Israa’iil, ayaa weli waxaa meelmarintiisa u dhiman dhawr tallaabo sharci oo hadduu ka gudbo meelmar ka dhigaya cunaqabayntan.

Dhammaad