Garoowe, (Isbahaysi) – Booliska Calaamiga ah ee INTERPOL ayaa Booliska Puntland maanta ku wareejiyey eedaysane fakad ahaa oo ku eedaysan inuu 17-ka bishii May dil u gaystay Marxuum lagu magacaabi jirey Axmed Cabdulaahi Maxamuud.
Eedaysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Ciise ayaa waaranka soo qabashadiisa waxaa uu Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u gudbiyey INTERPOL, iyada oo laga soo qabtay dalka Kenya, waxaana Gediga Diyaaradaha ee Garoowe Saraakiisha Booliska Calaamiga kaga la wareegay Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal, halka ay goobjoog ka ahaayeen ehellada eedaysanaha.
Tan iyo markii Xafiiska Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL dib looga furay Soomaaliya bishii 7-aad ee sannadkii 2021 waxaa dalka dibaddiisa laga soo qabtay eedaysaneyaal dilal ka gaystay gudaha dalka, kuwaas oo u baxsaday dalalka deriska ah, waxaana tallaabadani wax weyn ka taraysaa dadka dilalka gaystay ee dalka ka fakada.