BOOLISKA PUNTLAND OO SHEEGAY IN LAGA HOR ISTAAGAY SHAQADOODA

0

(Garoowe-Isbahaysi) Ciidanka Booliska Puntland ayaa cabasho rasmi ah ka muujiyey Ciidanka PSF ee ay taageeraan dowladda Maraykanku.

Taliyaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Abdi Shire ayaa muuqaal uu soo duubay oo lagu baahiyey Baraha Bulshada si toos ah farriin ugu diray Madaxweynaha iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo ciidamada kale ee ammaanka, gaar ahaan Daraawiishta, waxaan u caddeynaynaa in Ciidanka Boolisku ay cabasho qabaan, aysanna ku shaqeyn karin xaaladda noocaas ah ee ka jirta magaalada Boosaaso, waxaa nagu dhacay is-hortaag shaqo oo muuqda”.

Taliye Muumin ayaa soo bandhigay isku dhacyo iyo khasaaro ka dhashay falal uu sheegay in ciidamada PSF ay kula kaceen Booliska Puntland.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay iskula kaceen labada ciidan ee ka wada tirsan Puntland. Waxaa la warinayaa in Garoowe ay xalay ciidamada Boolisku ku xireen Sarkaal ka tirsan PSF, halka Taliyaha Boolisku uu sheegay in ciidan PSF ah ay maanta weerareen Saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.