Friday, September 20, 2024
25.4 C
Mogadishu

DADAALKII DIBLOMAASIYADEED EE ITOOBIYA KU DOONAYSAY DEKEDAHA SOOMAALIYA OO XOOGAYSTAY

Ankara (Isbahasyi) – Dawladda Itoobiya ayaa dadaal aan kala joogsi lahayn ugu jirta hardanka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyada oo ku qancisay Madaxwayne Xasan Sheekh in uu yimaaddo miiska wada-hadalka, iyadoo Itoobiya aysan si rasmi ah uga laaban heshiiskii ay la gashay Hargaysa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa natiijo wanaagsan ka helay xeeladaysi diblomaasiyadeed oo uu ku dayey Dalka Turkiga, kaddib markii uu Madaxwaynaha dalkaas Racep Tayyip Erdogan 8-dii bishii May u diray wafdi ergo ah oo ka kooban Madaxweynihii Hore ee dalkaas Mulatu Teshome Wirtu – sidoo kalena safiirro Itoobiya uga soo ahaa dhawr dal oo ay ka mid yihiin Turkiga, Jabbaan, Shiinaha iyo Asarbayjaan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selaissie.

Madaxweynaha Turkiga oo qaabbilay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Itoobiya, May 8 2024, Ankara

Madaxwaynaha Turkiga oo qaabbilay ergada Itoobiya, ayaa la qaatay arrinta dhex-dhexaadinta, isaga oo hoosta ka xarriiqay in uu wafdi u dirayo dhanka Soomaaliya si ay farriinta Itoobiya u gaarsiiyaan Madaxwayne Xasan Sheekh.

Warbaahinta Isbahaysi, oo xog ka heshay ilo ku dhowdhow Villa Somalia, ayaa ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada ku qaabilay ergay Turki ah oo waday farriintii dhex-dhexaadinta, taas oo uu si weyn u soo dhoweeyey Madaxweynuhu.

Ergada Turkiga ah ayaa la laabtay natiijo aysan filanayn oo muujinaysa sida Villa Somalia ay ugu hanqal taagaysay xiriirka Itoobiya, balse shardiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku xiray ayaa ahaa in dowladda Turkigu ay hoggaamiso wada-hadallada labada dhinac.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Turkiga iyo Itoobiya oo ku kulmay Ankara, May 8, 2024

Turkiga oo saaxiib la ah labada dal ayaa aqbalay dhexdhexaadinta, waxaana haatan socda qaban qaabada kulammo qarsoodi ah oo labada dowladood ku dhex mari doona Turkiga.

Sida la wada ogsoon yahay, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Febraayo ee sanadkan la gashay Dowladda Turkiga heshiis difaac oo uu Turkigu ku ilaalinayo badaha Soomaaliya, isla maarkaasna uu dib-u-dhis ku samaynayo Ciidamadii Badda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan gudaha Markab daal ee Turkiga, April 23, 2024, Muqdisho

Muddadan waxaa la dareemayey dhaqdhaaqa xooggan oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay ku iibinayso heshiiska ay la gashay Somaliland, iyadoo Safaaradahooda muhiimka ah ee caalamka ay ku leedahay Itoobiya ay si cad u iib geynayeen heshiiska ay quursadeen shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Firfircoonida iyo halganka diblomaasiyadeed ee Itoobiya waxaa barbar socota in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay fadhiid ka noqotay difaaca qadiyadda ugu weyn ee hortaalla, halkii laga filayeyna in ay ka daba-tagto jahwareerka iyo been abuurka Itoobiya ay ka fidinayso heshiiskaasna waxaa muuqata in Wasiirka cusub ee laga soo wareejiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu wali la nool yahay shaqadiisii hore ee gudaha dalka.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!