Marka laga yimaado dagaallada hoggaamiyekooxeedyada iyo beelaha waaweyn u dhexeeya ama siyaasiyiintu ku lug-lahaayeen, badanaa ma jirin in dagaalbeelaadyada iyo colaadaha ka dhasha daaqa iyo isdiiddooyinka dhulka la isu adeegsado tiknikada waaweyn ee lidka diyaaradaha qaybihiisa loogu tala-galay, waxaana ay badanaa ku dagaallami jireen qoryaha fudud ee garabka ama gacanta lagu qaato.
Qoryaha suugga, 37ka, shilkaha, dhashiikaha IWM ee inta badan la saaro gaadiidka, caado ahaan ma jirin in ay beelaha deriska ah ee dirirtu dhex-marto isku laayaan, marka laga yimaado dagaallada siyaasadaysan ama diimaysan ee loo huwiyo magaca qabiillada.
Dagaalladii sannadahaan dhowdhow ka dhacayay Soomaaliya ee qabiil-hoosaadyada ku kala abtirsada tolalka waaweyn isaga hor-imaanayeen, waxa ka soo baxaya halis cusub oo ku soo korortay qaababka dagaalka ee reeraha Soomaaliyeed.
Waxyaaaha udubka ku ah goobaha dirirtu ka dhacdo waxa ka mid ah, in qoryihii waaweynaa ee dawladuhu ku dagaallami jireen sida jiibka, beebbaha iyo qaar kale oo aad wax u gumaada la isu baabi’iyo, halkaasna uu ka dhasho khasaare toban goor ka badan kii dhici jiray marka uu dagaal ka dhex-qarxo labo beelood oo daaq iyo derisnimo wadaag ahaa.
Arrimaha naxdinta leh waxa ka mid ah tirada dhimashada ee degdegga ah, iyada oo ay suuragal tahay in dagaal saacad keliya socday laga qoro boqol wax ka badan oo geeri ah iyo intaa labolaabkeed oo dhaawac u badan mid halis ah oo aan dalka wax looga qaban karin ah.
Iyada oo uu muddo dheer hubku sharcidarro ka ahaa Soomaaliya, haddana waxa nasiibdarro ah in uu si toos ah u soo galo Soomaaliya, kaas oo ay inta ay doonaan ka soo iibsadaan qabaa’ilka dalalka ay Yemen u horrayso.
Hubka tiknikada ah ee ay qabiilladu isku gumaadaan qaar badan oo ka mid ah waxa uu ka soo galaa beelaha dhanka dawadda, isaga oo soo mara gacmaha saraakiisha qaar ama madaxda kala duwan ee ilaalada iyo tiknikada gaarka ah haysta.
Tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ku so noqday talada, waxa bilowday abaabul ay beelaha koonfurtu u galeen dagaalka Ashabaab, kaas oo ay dawaddu aad ugu bixisay hub, gaadiid iyo rasaas, waxaana kacdoonkaa oo ay qabiilladu isku hubeeyeen loo bixiyay ciidammada Macawisleyda.
Sida xoguhu sheegayaan hub iyo gadaadiid kala duwan oo ay dawladdu siisay ciidammada Macawisleyda ayay qabaa’ilku u weeciyeen dhanka dagaalka beelaha colaaddu kala dhexayso ama ay is riixriixa degaanka iyo lahaanshaha dhulalka isku hayeen, taas oo ka sii dartay xaaladdii hore, waxna ka beddeshay qaabkii dagaalka iyo tirada waxyeellada colaadaha.
Sannadkaan waxa dhacay dagaallo lagu riiqday oo badankood ka qarxeen degaandaaqsimeedyo u badan gobollada dhexe ee Soomaaliya, sida Xeraale iyo Jiicboor oo mid walba la isku gumaaday tiknikada waaweyn, dhibaato nafeed oo aan xaddi lahaynna ka dhalatay.
Ilaa hadda ma muuqdo xal lagu xakamayn karo tiknikada sida xawliga ah u galaysa faraha beelaha, dawadda dhexe iyo dawladgoboleedyaduna kama leh siyaasad musiibada dhacaysa iyo tan soo fool leh ee ka muuqata sansaanka is hubaynta ah ee reeruhu ugu jiraan helista tiro badan oo tikniko ah, si aan looga itaal roonaan.
Soomaaliya waxa muddo dheer saarnaa cunaqabatayn hub, sidaa oo jirtana mar walba waa uu tarmayay hubka waaweyn ee tolalku helayaan, taas oo ay hadda ku sii darsantay in cunaqabatayntii hubka la qaada, mar walbana la filayo kororka qoryaha waaweyn ee ciidanbeeleedyadu sii biirsanayaan, iyada oo aysan muuqan ogaal dawladeed iyo itaal lagaga hortegi karo.
_______________
Ku saabsan Qaraaga:
Maqaalka waxaa qoray Gorod Jare oo ah abwaan iyo qoraa sare oo ka mid ah bahda Warbaahinta Isbahaysi E-Mail: [email protected]