DAGAALKA SUURIYA: DHAQDHAQAAQYADA CUSUB EE MILATARI, DHINACYADA KU LUG LEH IYO SAAMEYNTA DIBLUMAASIYADEED

0
Dagaalka Suuriya: Dhaqdhaqaaqyada Cusub ee Milatari, dhinacyada ku lug leh iyo saameynta Diblumaasiyadeed
Dagaalka Suuriya: Dhaqdhaqaaqyada Cusub ee Milatari, dhinacyada ku lug leh iyo saameynta Diblumaasiyadeed

Dagaalka sokeeye ee Suuriya oo galay sannadkii 14-aad ayaa markale dib u qarxay, isagoo ku sii fidaya deegaanno kala duwan.

Madaxweyne Bashaar Al-asad oo naawilayey in Maamulkiisu uu ka baxo go’ doomintii caalamiga ahayd ee saarnayd tan iyo sannadkii 2011-kii, kuna dhawaaqo in uu ka guuleysto Kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ayaa waxaa kadis ku noqotay in Ciidankiisaba laga saaro deegaanno muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Labaad ee dalka ugu muhiimsan ee Xalab.

Bishii hore ee Nofeembar 2024, dagaallo culus ayaa dib uga qarxay gobolka Galbeedka Xalab, halkaas oo xoogagga mucaaradka ay weeraro ku qaadeen ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka Xisbullah ee taageersan. Weeraradan ayaa yimid kadib markii diyaaradaha Israa’iil ay toddobaadyo xiriir ah duqeymo ka geysteen saldhigyada ku dhow aaggaas, taasoo u fududeysay mucaaradka in ay horumar sameeyaan oo ay qabsadaan deegaanno cusub. 

 Dhinacyada Is Dagaalaya: 

Dagaalka Suuriya waxaa ku lug leh dhinacyo badan oo gudaha iyo dibadda ah:

1.⁠ ⁠Dowladda Suuriya iyo Xulafadeeda:

Dowladda Bashar al-Assad oo taageero ka hesha Ruushka, Iran iyo Xisbullah.

Ruushka wuxuu door muhiim ah ka qaadanayaa dhinaca duqeymaha cirka iyo bixinta taageero milateri.

Iran waxay ka caawinaysaa ciidamada Suuriya dhanka maleeshiyaadka Shiicada ah iyo hubka.

2.⁠ ⁠Mucaaradka Hubaysan:

Jabhado kala duwan oo mucaarad ah sida Ciidamada Suuriya ee Xorta ah FSA (Free Syrian Army), kuwaas oo u badan Saraakiil iyo ciidammo ka goostay Maamulka Madaxwdynaha dalkaas ee Bashaal Al-Asad, waxaana wehelinaya kooxo Islaami ah iyo ururro kale oo aan mideysnayn.

Qaar ka mid ah mucaaradka waxay taageero ka heleen dalalka reer Galbeedka iyo wadamada Khaliijka.

3.⁠ ⁠Kurdida Suuriya:

Jabhadda Kurdida ee YPG  oo qayb ka ah Ciidamada la magacbaxay Suuriyada Dimuqraadiga ah ee SDF (Syrian Democratic Forces) oo ay hubeeyeen, gacantana ku hayaan Mareykanku ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Maamulka Suuriya.

Turkiga ayaa dhankiisa dagaal kula jiray xoogagga Kurdida, isagoo si cad uga soo horjeeda  in uu Kurdidu ay helaan dowlad goboleed madaxbannaan, kaas oo ah qorshaha ay u dagaalamayaan.

Dhaqdhaqaaqyada milatari ee socda ayaa muujinaya in dagaalka Suuriya uu weli yahay mid dhammaadkiisu muuqan, iyadoo dhinacyada is haya ay sii wadaan dadaallada ay ku doonayaan inay ku xoojiyaan saameyntooda siyaasadeed iyo milatari ee dalka.

Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa muddadan ku howllanaa inuu dib ugu soo celiyo dowladdiisa xiriirkii ay la lahayd dalalka Khaliijka iyo beesha caalamka, waloow dadaalladan ay u muuqdeen kuwo guulo yar laga gaaray, sida dib u furitaanka safaaradaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Dimishiq, Hase yeeshee, weerarrada is-daba-joogga ah ee mucaaradka iyo deegaannada muhiimka ah ee gacanta mucaaradka galay ayaa wiiqaya sharciyadda xukunkiisa muddada dheer, waxaana hubaal in uu ku jiro maalmihii ugu adkaa tan iyo sannadkii 2014-kii oo cagta mariyey badi Ciidamada mucaaradka iyo deegaannada laga qabsaday.