Sunday, September 15, 2024
28.9 C
Mogadishu

DALKA MA WAXAA LOO DHISAY CIIDAN GAAR AH OO U SHAQEEYA SIDA KUWA KA DAGAALLAMAYA SUUDAAN EE DACMU SARIIC?

(Muqdisho, Isbahaysi) Sida dhowaan lagu baahiyey warbaahinta dowladda, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magacaabay 4 talis oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu dhisay hannaan aan waafaqsanayn qaab-dhismeedka Taliska Guud ee Ciidanka XDS.

Afartan talis saddex ka mid ahi waxa ay ahaayen hoggaanno ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Talisyadaas oo kala ah Hoggaannada Tababarrada, Taakulada Guud iyo Sahanka, halka taliska afraad ee Ciidanka Gaarka ah uu yahay mid cusub.

Soomaaliya waxa ay leedahay afar ciidan, kuwaas oo sharci ahaan lagu sheegay dastuurka dalka. Ciidanka Xoogga Dalka oo ka mid ah Ciidamadaas waxa uu qaab-dhismeed ahaan ka kooban yahay 3 ciidan oo kala ah Ciidanka Dhulka, Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda.

Ciidanka gaarka ah ee la sameeyey waa ciidamo laga soo jaray Ciidan Dhulka ee XDS. Ciidankan hadda lagu magacaabay Ciidanka Gaarka ah waa ciidamadii ugu muhiimsanaa ee Kamaandoosta ah kuwaas oo kala ah Ciidanka Ilaalo Qarano o ay Erateriya tababartay, Ciidanka Gorgor oo uu Turkigu tababaray iyo Ciidanka Danab oo uu Maraykanku tababaray.

Dhammaan Ciidamadan oo ah kamaandooskii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hadda laga dhigay Talis Madax Bannaan oo aan hoos tagayn Taliska Guud ee XDS. Ciidankan ayaa sida la sheegay toos uga amarqaadan doona Madaxweynaha iyada oo aan la sii marayn hannaankii maamul ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay khuburada ciidanku sheegtay, inta badan ciidamada noocan ah waxaa laga aasaasaa dalalka ay ka jiraan nidaamyada kelitaliska ah iyo kuwa cabsida xooggan laga qabo inay ka dhacaan inqilaabyo millateri oo uu hoggaamiyaha talada hayaa iska ilaalinayo.

Dhanka kale, waxaa ciidamada noocan oo kale ah waxaa laga dhisay dalal uu saamayn siyaasadeed ku leeyahay dalka Imaraadka Carabtu, dalalkaas oo uu ka mid yahay dalka Suudaan oo laga dhisay ciidamada uu Imaaradku taageero ee Dacm u Sariic, kuwaas oo hadda dagaal burbur laxaad leh sababay kula jira Ciidankii iyo Dowladdii Suudaanka.

Taliyaha loo magacaabay Ciidankan ayaa la dhahaa Sarreeye Guuto Axmed Cabdullaahi Sheekh oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland muddona ku noolaa dalka Sweden, waxaana ay qaraabo dhow yihiin Janaraal Asad Diyaano oo ah Guddoomiyaha Xisbi siyaadeedka Mideeye ee Puntland. Waxa uu hore uga tirsanaa Ciidanka PSF ee uu Maraykanku tababaray isaga oo u qaabbilsanaa magaalada Gaalkacayo.

Axmed Cabdullaahi Sheekh wuxuu sidoo kale soo noqday Madixii Baratakoolka ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isaga oo mar danbe laga dhigay Taliyihii Ciidanka Danab. Sidoo kale, markii uu talada kusoo laabtay Xasan Sheekh Maxamuud waxa Janaraal Axmed ka mid ahaa saraakiishii loo xilsaaray qoridda iyo diyaarinta Ciidanka Imaraadku tababaray.

Haddaba, Ciidankan Gaarka oo sida muuqata laga leeyahay dano gaar ah ayaa sida ay khuburada Ciidanku sheegtay waxa uu dhaawac weyn ku yahay rajada dib-u-dhiska ciidan qaran oo uu dalkeennu yeesho, waxaana abuurmaya xoogag ciidan ah kuwaas oo aan ka amarqaadan taliskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan hoos loo dhigay cududdii Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale aasaaska afartan Talis ee Cusub ayaa si weyn hoos ugu dhigaya awoodda maamul ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidankan oo ah kuwo sida xoguhu sheegayaan ay aasaaskooda ku lug leeyihiin Dowlado shisheeye ayaa u muuqda kuwo dhabbaha u jeexaya inay Soomaaliya marto hannaankii lagu dhisay ciidamadii Dacmu Sariic ee dalka Suudaan kuwaas ugu dambayntii loo adeegsaday burburinta ciidankii iyo dowladdii Suudaan.

Haddaba miyaanay ahayn inay Soomaaliya martay waddo la mid ah middii dowladda Suudaan iyo Ciidanka Damcu Sariic?

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
few clouds
28.9 ° C
28.9 °
28.9 °
70 %
6.7kmh
20 %
Sun
29 °
Mon
27 °
Tue
27 °
Wed
27 °
Thu
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!