Friday, September 20, 2024
25.4 C
Mogadishu

DANJIRE JAMES SWAN OO KHUDBAD UU KA JEEDIYEY GOLAHA AMMAANKA QM KAGA HADLAY XAALADDA SIYAASADEED EE DALKA

New York, (Isbahaysi) – Ku-simaha Danjiraha Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya Danjire James Swan ayaa warbixintiisii ugu horreysey tan iyo markii dhowaan la soo magacaabay, waxa uu ka jeediyey fadhiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uga hadlayeen xaaladda Soomaaliya.

Danjiraha oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in wax-ka-beddelkii lagu muransanaa ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah aanu ahayn mid loo dhan yahay, isaga oo tilmaamay in ay ka maqnayd Dowlad Goboleedka Puntland, halka siyaasiyiinka mucaaradka ahi ay sidoo kale qaadaceen tallaabadan wax-ka-beddelka Dastuurka.

“Intii u dhaxaysay bilihii Febraayo iyo May, Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyay wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka KMG ah ee 2012. Wax ka beddelkaas oo ku saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, qaab-dhismeedka dowladnimada iyo hannaanka doorashooyinka dalka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas’uuliyiinta Puntland ayaa ka soo horjeestay habka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka iyo natiijada labadaba.” Ayuu yiri Danjire Swan

Sidoo kale, Danjiraha oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor xusay qaraarkii ay Dowlad Goboleedka Puntland ku shaacisay inay ka baxday Nidaamka Federaalka ah ee dalka inta heshiis dhammaystiran laga gaarayo dhammaystirka dastuurka, ayaa hoosta ka xarriiqay inay muhiim tahay in heshiis ku dhisan wadar-oggol ay dhammaan deneeyeyaashu ka gaaraan tallaabooyinkan muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambayn, Ku-simaha Danjiraha Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya Danjire James Swan, ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xallinta khilaafka dhexdooda ayna is-afgarad ka gaaraan arrimaha taagan.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!