Mogadishu (Isbahaysi) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee DFS, Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo ku sugan magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya ayaa la kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkoodii hooyo ku laabtaan,ka dib muddo ay dhibaatooyin kala duwan ku haysteen gudaha dalka Liibiya.
Sida uu wasiirku sheegay Dowladda Federaalka ayaa ju guulaysatay in 11 ka bisha Juun magaalada Hargaysa laga dejiyo 15 ka mid ah dhallinyaradaas oo ay hadda diyaarsan yihiin dhammaan dokumintiyadii looga baahnaa safarkooda, halka 25 kale oo kusoo xigana dhowaan lagu celin doono magaalada Muqdisho.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa ku ammaanay dhallinyaradaas go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada kale ee faraha badan ee ku sugan Tripoli inay sidan oo kale sameeyaan oo ay dalkooda ku soo laabtaan, si looga samatabixiyo dhibaatooyinka ku haysta gudaha dalka Liibiya.
Dhammaad