Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

DIBLUMAASIYIINTA REER PUNTLAND EE SHAQADA  WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA LAGA JOOJIYEY OO DHIBANAYAAL U NOQDAY KHILAAFKA FEDERAALKA IYO PUNTLAND!

(Muqdisho, Isbahaysi) Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi ayaa ogaatay in wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xarumo kale oo dowladda Federaalka ahi ay beegsi aan loo meel deyin ku hayaan xilalka ay ku fadhiyaan dadka Puntland ka soo jeeda.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo qaar reer Puntland ahi ku jiraan ayaa aaminsanaa in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay is hayaan oo kelli ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni balse aysan wax mashaakil ah isku qabin dadka reer Puntland ee shacab iyo siyaasiyiin leh.

Laakiin markaad eegto beegsiga qabiilaysan ee ku socda reer Puntland waxaa kuu caddaanaya in dowladda Madaxweyne Xasan aysan is hayn Siciid Deni keligii, balse loo kala dheeraynayo xilalka ay hayaan dadka kooban ee Puntland kaga jira dowladda Federaalka ah.

Qoraalkan waxaan isku dul taagaynaa hal wasaarad oo ah wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dhowr todobaad gudihiis shaqada laga joojiyay afar Diblumaasi oo reer Puntland ah.

1- Raage Osman Omar = agaasimihii waaxda Carabta ee wasaaradda Arrimaha Dibedda oo reer Qardho ah waxaa lagu beddelay nin u dhashay beesha Dir oo maamule ka ahaan jiray Beerta Nabadda oo weligiis aan Diblumaasiyadda ka shaqayn.

2-Ayaan M Sheekh Xaamud = qunsulkii iyo safiir ku xigeenkii Ethiopia, waa reer Garoowe, waa Diblumaasiyaddii shaqada culus ka qabatay soo badbaadinta ardaydii Soomaaliyeed ee Sudan ka soo qaxay iyadoo Ku-sime safiir ah. Wasiiru dowlaha Madaxweynaha saaxiibka la ah ayaa shaqada ka joojiyay sabab la’aan.

3- Faadumo Maxamed Cabdi ( Horreeye) waa xoghaye 1-aad safaaradda Soomaaliya ee India, waxay ka soo jeedaa Gaalkacyo, shalay oo ahayd July 8th ayaa xilkii laga qaaday iyadoo lagu qoonsaday adeeg sharci ah oo ay u qabatay maxaabiis Soomaaliyeed oo reer Puntland ah oo lagu eedeeyay burcad badeed oo qaarkood aysan gaarin da’da qaangaarka.

4-Yaasiin Mire Maxamuud waa qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee Zambia, waana Maayarkii hore ee Boosaaso, wuxuu shaqada joogay wax ka yar siddeed bilood.

Waxaan baaritaankeena ku ogaanay inay jiraan tobanaan kale oo reer Puntland iyo Soomaali kale isugu jira oo shaqada laga joojiyay bilihii la soo dhaafay iyadoo loo cuskaday sharci wasaaradda ah oo dhigaya inaan diblumaasigu afar sano ka badan hal dal ku maqnaan karin, in kasta oo qorshahaas laftigiisa loo isticmaalay qaab ah KAN DOORO KANNA KA BOOD ( pick and choose) kuwaas oo aan xogtooda warbixinno soo socda ku soo bandhigi doono. Kumana jiraan dadkaasi Diblumaasiyiinta aan hadda sheekadan kaga waramayno.

Waxaa xusid mudan inay jiraan xarumo kale oo dowladda Federaalka ah oo beegsi kan oo kale ah lagu hayo dadka Puntland ka soo jeeda, waxayna Shabakadda Isbahaysi waddaa baaritaano iyo xaqiijin xogaha ay heshay oo ku aaddan beegsiga lagu hayo dadka Puntland ka soo ieeda.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!