Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BEENISAY IN WADAHADAL U SOCDO IYAGA IYO ALSHABAAB

Muqdisho, (Isbahaysi) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha Xuseen Macallin ayaa maanta qoraal uu bartiisa X (Twitter) ku baahiyey ku sheegay in aysan jirin wax hadal ah oo ay xilligan dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada Alshabaab.

La-taliyaha ayaa tilmaay in wadahadalka Alshabaab uu ku xiran yahay inta ay ka fulinayaan shuruudihii Madaxweynuu hor dhigay ee ahaa inay ka beri noqdaan xiriirkooda kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayidaan midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo inay ajendahooda siyaasadeed u maraan dhabbe nabdoon.

Beeninta Dowladda ayaa ku soo beegmaysa iyada oo toddobaadkan si weyn uu Soomaalida dhexdeeda ugu faafeen warar sheegaya in wada-hadal uu u furmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo argagixisada Alshabaab.

Waxaa hadal-haynta arrinkan si weyn looga dareemay baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaalida, iyada oo ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed si toos ah uga hadleen arrinkan.

“Wadahadalka la sheegay in kooxda argagexisada Alshabaab lala gelayo waa in aysan noqon khudbosir qof kaligii go’aansado. Waa in lagu wajaho talo qaran oo loo dhanyahay, shacabka wakiilka laga yahayna si daahfuran loola socodsiiyo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay arrinkan

Inkasta oo ay Dowladdu hadda beenisay wadahallo socda, misna marnaba meesha kama aysan saarin wadahallo furmi kara mustaqbalka, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku sugnaa dalka Norwey uu carrabka ku dhuftay in dowladdiisu ay diyaar u tahay wadahadal lala galo Alshabaab haddii ay dhinacooda diyaar ka noqdaan, cid walba oo Alshabaab wadahadal ku qancin karaysana uu doorkaasi u furan yahay.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Alshabaab, iyaga oo hore marar badan u sheegay inaysan wax wadahal ah la galayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BEENISAY IN WADAHADAL U SOCDO IYAGA IYO ALSHABAAB

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!