Saturday, September 14, 2024
26.9 C
Mogadishu

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MAANTA ANSIXISAY QARAAR ARAGTIDA GOONNI-GOOSADKA (SOMALILAND) U AQOONSANAYA KHATAR QARAN

Muqdisho, (Isbahaysi) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa ee maanta ku ansixiyey qaraar ku saabsan Khataraha Qaranka ee halista galinka kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa markii koowaad u aqoonsatay aragtida goonni-goosadka ah ee Somaliland khatar qaran, iyada oo lagu calaamadiyey halista koowaad ee dalka ka dib khatarta argagixisada.

Tan ayaa ka dhigan in hay’adaha dhawra amniga qaranka ee dalku ay tallaabo ka qaadi karaan cid walba oo ku kacda ama taageero u muujisa dhaqdhaaq walba oo xambaarsan aragtiyo goonni-goosad ah.

Khataraha kale ee haliska ku ah dalka ee qaraarkan ku soo baxay ayaa lagu sheegay argagixisada, dowlad-nugeylka, xuduudaha beylahda, faragelinta shisheeye, isbeddelka cimilada, khatarta tiknoolajiyadda iyo khataraha bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo Maanta Ansixisay Qaraar Aragtida Goonni-Goosadka (Somaliland) u Aqoonsanaya Khatar Qaran

Tallaabadan oo ah mid ay dad badani soo dhoweeyeen ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa ay dhawrayaan sida ay dowladdu u dhaqangaliso, iyada oo la ogyahay in maamulka Somaliland ee ah kan keliya ee aamminsan aragtida goonni-goosadka marar badan laga dhex difaaco goleyaasha qaran ee dowladda.

Dhanka kale, Qaraarkan ayaa kusoo beegmayaa xilli la hadal hayo in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi uu dhowaan Addis Ababa u aadayo dhaqangelinta is-garadkii sharcidarrada ahaa ee badda.

Dowladda Soomaaliya oo Maanta Ansixisay Qaraar Aragtida Goonni-Goosadka (Somaliland) u Aqoonsanaya Khatar Qaran

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
few clouds
26.9 ° C
26.9 °
26.9 °
69 %
8.8kmh
22 %
Sat
29 °
Sun
27 °
Mon
27 °
Tue
27 °
Wed
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!