Muqdisho, (Isbahaysi) – Bishan Juun 26-keedii oo ku aaddanayd habeenkii koowaad calanka Soomaaliya laga muday ciidda Soomaaliyeed waxa magaalada Hargeysa ka qabsoomay kulan ay madaxda, bulshada iyo qaybaha kale oo fannaaniintu ku jiraan ka qaybgaleen oo madaxtooyada Soomaalilaand ka dhacay.
Xafladdii habeenkaa dhacday waxa laga jeediyay khudbado iyo suugaan kala duwan oo bulshada Soomaalida dhexdeeda ka dhaliyay hadalhayn ku saabsan macnaha ay xambaarsanaayeen, si kala duwanna waa loo faalleeyay.
In kasta suugaanta halkaa laga soo jeediyay ay qaar af Soomaali ahayd, haddana waxa yaab lahayd in markii koowaad dhulka Soomaaliyeed dhexdiisa afafka Itoobbiya looga heesay, iyada oo dawladda Xabashida lagu soo dhowaynayo, si loo muujiyo xiriir ka dhexeeya iyaga iyo dadka reer Soomaalilaand.
Heesaha madaxtooyada Soomaalilaand laga qaaday waxaa ka mid ahayd hees af Soomaali ah oo nacayb, dhiillo iyo cadaawad xambaarsan oo Soomaalinimada iyo Soomaalida lagu fogeynayo, Xabashida iyo Amxaaradana lagu dhowaysanayo.
Waxa ay heestu si cad u sheegaysaa in Soomaalida maamulka Soomaalilaand hoos-tagta ay la walaal yahiin cadawga Xabashida, ayna uga dhow yahiin dadka Soomaaliyeed ee Xamar iyo Garoowe deggan ee ay la wadaagaan dhalashada, midabka, dhaqanka iyo diinta.
Maamulka ka arrimiya gobollada Waqooyi-Galbeed (Somaliland) ee goonigoosiga ku dhawaaqay 1991kii, waxa uu sannado badan abuurayay fan kala fogaynaya Soomaalida, si nacaybka halkaa ka dhasha uu ugu naaxiyo qaddiyaddiisa goonigoosiga.
1-dii bishii Jannaayo ee sannadkaan waxa uu madaxweynaha Soomaalilaand la galay heshiis xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya raysalwasaaraha Itoobbiya, kaa oo dhigayay in qayb ka mid ah badda la siiyo dawladda Xabashida.
Si ay taasi u hesho jiritaan xooggan, ayay madaxda maamulku u adeegsadeen kooxaha iyo halabuurrada fanka farriimo lid ku ah Soomaalinimada, waxaana soo baxay heeso ummadda Soomaaliyeed shisheeye iyo nacab ku sheegaya, cadawgii soojireenka ahaa ee Itoobbiyana gacal uga dhigaya dadka reer Soomaalilaand.
Fanka Nacaybku waxa kan tirtiraya walaalnimada, istaageeridda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed, xumaan aan jirinna beeraya, iyada oo dulucdu tahay in lagu cayiliyo qaddiyad habow ah oo kala goynaysa xiriirka dhiig, dhaqaale iyo isirnimo ee dadka ka dhexeeya.
Waxa xusid mudan heesta Xabashida iyo Axmaarada lagu dhowaysanayay ee Hargeysa ka soo baxday, in ay sidoo kale ka daba yimaadeen jawaabo Muqdisho iyo Garoowe laga soo saaray oo iyaguna xambaarsanaa farriimo aan hagaagsanayn oo sii kordhinaya buktada lagu abuurayo maskaxaha ummadda Soomaaliyeed ee dayaca iyo baylahda kala duwan la dhibaatoonaysa.
Sannadahaan danbe oo dhan waxa fanka Soomaalida ku soo badanayay heeso kala duwan oo ay dhextaal u yahiin erayada cadaw, nacab, xaasid IWM, kuwaas oo xataa ujeeddooyinka faneed ee jacaylka loo adeegsanayay, badankood heesahaasina waxa ay ka soo baxayeen magaalooyinka Soomaalilaand ee ay aragtida goonigoosigu ka arrimiso.
Fanka Nacaybku waa mid ka mid ah halisaha ay tahay in si wadajir ah looga hortago, degaanka iyo bulshada dhexdooda laga soo saarayana ay iska moosaan, si fikradaha xunxun ee ay dadka madaxda ah ee damacyada gurracan wata ee fannaaniinta iyo halabuurrada gudbinta suugaanta sumaysan u adeegsanaya meesha looga saaro.