GUDDOOMIYE AADAN MADOOBE OO KISMAAYO U XAWILAY SHAQADII UGU WEYNAYD BAARLAAMAANKA

0

(Kismaayo-Isbahayso) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed (Aaadan Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo u xawishay shaqadii Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka oo laga sugayo ajandaha furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka.

Kal-fadhiga Baarlamaanka oo la filayey in uu dhawaan furmo ayaa la sheegayaa in uu dib u dhac ku imaanayo, waxaana jira mooshinno ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanno ka gadoodsan sida loola macaamilay kaddib ansixintii cutubyadii lagu muran sanyahay ee dastuurka ayaa qoray Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Xamse, ilaa haatanna tirada Xildhibaannada ansixiyey mooshinka ayaa lagu qiyaasaa 76 Xildhibaan.

Safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Kismaayo iyo qorshihiisa ku aaddan in Ajandaha kal-fadhiga lagu qoro magaaladaas ayaa ka tarjumaya heshiisyo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo socda, iyadoo ay muuqato baahida loo qabo cododka Xildhibaannada ka soo jeeda Jubbaland ee sida tooska ugu lug xiran Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe).