Friday, September 20, 2024
25.4 C
Mogadishu

HALISTA FEDERAALKA KA SOO SOCOTA IYO CIIDANKA XASILINTA EE PUNTLAND AY HOWLGALISAY

(Muqdisho, Isbahaysi) Bilowgii Bishii April sanadkii tagay 2023 waxaa xoogaystay qulqulka Kumanaan Kun oo Melayshiyaad daacad u ah Hoggaamiyaha Falaagada Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan Dugaloow (Xametii), kuwaas oo isku ballaariyey Caasimadda dalkaas ee Khartoum.

Ciidankaas RSF oo laga soo daabulay Gobolka Galbeedka Suudaan ee Daarfoor iyo dalalka dariska la ah ayaa waxaa faro-ciddi leh kaga baxsaday Hoggaamiyaha Suudaan Cabdul-fataax Alburhaan iyo Golaha Sare ee Suudaan, dagaalka qarxay 15kii April-na waxa uu khatar geliyey dowladnimada iyo ciidanka dalkaas, isagoo galaaftay nolasha kumanaan qof.

Maanta khatar la mid ah taas ayaa dul hoganaysaa  Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aansaday in uu qalalaase amni u soo xawilo Puntland, si aysan saldhig ugu noqon mucaaradka isbeddelka doonaya ee uu kursiga uga baqayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilowgii bishan sameeyey Talis iyo Ciidan gaar ah oo si toos ah u hoostagaya Taliyaha ciidankan waxaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Cabdullaahi Sheek oo reer Puntland ah, kana soo jeeda degmada Qardho.

Magacaabista Taliyahan ayaa waxaa barbar socota qorshe ciidan qoris ah oo ka socota gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug oo loo xilsaaray kooxaha ay aadka isu diidan yihiin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee lagaga adkaaday doorashadii sanadkan biloowgiisa dhacday, kuwaas oo saldhig ka samaystay magaalada Muqdisho.

Khalkhal gelinta Ammaanka Puntland ayaa lagu bilaabayaa qorista 3000 oo ciidan ah kuwaas oo ay kala qaybsanayaan kooxaha  ay indho tirtay la dagaalanka Siciid Deni ee aan xeerinayn amniga iyo xasiloonada deegaanadii ay ka soo jeedeen, waxaana la xaqiijiyay in Ciidamadan la qorayo ay toos uga amar qaadanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiil sarsare oo u warramay Isbahaysi Media ayaa xaqiijiyey in ciidankan oo lagu soo tabari doono Muqdisho iyo dalal dibadda ah markii ay soo dhammeystaan tababarkooda la soo gelin doono gudaha Puntland, iyadoo intooda ugu badan maraakiib lagu keeni doono xeebaha gobolka Bari ee Xaafuun iyo Baargaal.

Gudaha Muqdisho, xogta aan helnay waxay muujinaysaa abaabul ka daran midka Puntland ku soo wajahan inuu ka socdo oo la diyaarinayo ciidamo hab qabiil u abaabulan oo loogu talo galay inay Madaxweynaha xukunka ku sii hayaan haddii doorasho la isla oggolyahay la aadi waayo 2026.

Isbahaysi ayaa heshay xog la xiriirta sawir Satellite-ka laga hellay, markii danbena ay xaqiijiyeen diyaaradaha wax basaasa ee garoonka Mogadishu habeenkii dul-wareega, waxaana sawirku muujinayaa 21 Tikniko ah oo lagu soo xareeyay xarunta xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku yaala afaafka garoonka Aadan Cadde.

Xeel-dheereyaal xagga amniga ah oo aan la hadalnay waxay sheegeen in hubka lagu arkay xarunta xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ay abuurayso labo walaac oo kala ah, mid la xiriira in halis la gelinayo cunaqabataynta hubka ee la inaga qaaday iyo midda kale oo ah inay ka hortagaan musharrixiinta kale ee awoodda u leh in ay Muqdisho ka sameeyaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah damaca Madaxweynaha ee is-caleemasaarka 2026.

Xogta ay heshay shabakadda Isbahaysi ayaa muujinaysa in Madaxwawyne Xasan Sheekh uu Taliyaha ciidanka Booliska u magacaabi doono Asad Cismaan Diyaano halka Taliyaha Milatarigana u magacaabi doono Xasan Nuur Shuute oo haatan ah Taliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo uu aaminsan yahay in uu kala shaqeyn karo damiciisa siyaasadeed.

Gudaha Puntland, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo goor hore helay xogta abaabulkaas ka dhanka ah Puntland ayaa bilaabay qorshe hub ka dhigis ah oo lagu sameynayo beelaha Puntland, sameynta ciidamo u gaar ah amniga iyo xasilinta caasimadda Garoowe oo toos uga amar qaata Madaxtooyada iyo qorista ciidamo cusub oo gaaraya ilaa 5000, malafkaas oo haatanba uu ku howllan yahay Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Puntland.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!