MUQDISHO (ISBAHAYSI) – Ha’adda NISA oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan dalka, taas oo waardiyeysa amniga guud ee Qaranka Soomaaliyeed, ayaa markii u horraysay waxaa si toos ah loo dhexgeliyey qaabdhismeedkeeda shaqo nidaamka qabaliga ah ee 4.5, iyada oo hay’adda oo hore u lahayd 1 kaaliye/Ku-xigeen hadda loo sameeyey 5 kaaliye oo kala ah:
1. Kaaliyaha Sirdoonka Arrimaha Gudaha Macallin Bashiir
2. Kaaliyaha Sirdoonka Arrimaha Dibadda Dr. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Surwaalwayne
3. Kaaliyaha Maamulka iyo Maaliyadda Eng Cabbaas
4. Kaaliyaha Amniga iyo Hawlgallada Muxuyaddiin Warbac
5. Kaaliyaha Maamulka Xafiiska Taliyaha Maxamed Mukhaari
Inkasta oo xilalka sare ee siyaasiga ah ee dalka wax loogu qaybsado nidaamkaas, haddana waxaa mar walba mamnuuc ah in la qabyaaladeeyo laamaha ammaanka oo ay tahay in lagu xusho tayo iyo aqoon, balse waxaa hadda muuqata in hay’adda NISA si weyn cagaha loogu geliyey arrinkaas, iyada oo kaaliyeyaasha iyo saraakiisha hoose ba lagu xulanayo hab qabaa’il ah.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyada oo hore ganacsato loogu wareejiyey qaar ka mid ah xeryihii Ciidamada, shalayna ay soo baxday dikreeto Madaxweyne oo maamuuskii iyo xuskii loogaga xayuubiyey mid ka mid ah halyeeyadii Ciidanka Qaranka ee difaaca dalka u dhintay, Alle Ha u Naxariistee Janaraal Goordan, oo hore loogu magac daray mid ka mid ah xeryaha ugu muhiimsan CXDS.
Xeradan laga beddelay magaca Janaraalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu beddeley Sarkaal Imaraati ah oo isaga oo Soomaaliya u jooga maslaxadda dalkiisa dhowaan lagu dilay Muqdisho, iyada oo dhanka kale ay jiraan saraakiil kale oo maalin walba ku geeriyooda furimaha dagaalka iyaga oo u taagan sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedaynayaa in si weyn Ciidamadii Qaranka loo dhexgeliyey qabyaalad, kala furfur, boobka saadkii ciidanka iyo arrimo ganacsi, taas oo wiiqday awooddii ciidanka, gaabisna gelisay dagaalkii lagu la jiray kooxaha argagixisada ah.