Tuesday, September 17, 2024
25.1 C
Mogadishu

HOOYADII FEDERAALKA OO ISU CIMAAMADAYSA HOGGAANKA DIMUQRAADIYADDA SOOMAALIYA

Garoowe (Isbahaysi) – Puntland oo u jihaysatay dhammaystirka doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ayaa qaadday tallaabooyin muhiim ah oo ku saabsan dhammaystirka doorashada 3-da degmo ee ka harsan goleyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC), Axmed Maxamuud Cumar, ayaa ku dhawaaqay jadwalka qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka Garowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.

Sida ku cad jadwalka, hawlaha diyaarinta iyo qiimaynta doorashada ayaa bilaaban doona bishan June 2024. Hawlahaas waxaa ka mid ah wacyigelinta dadweynaha, hirgelinta kulammada wada tashiga daneeyayaasha, diyaarinta iyo qalabaynta xafiisyada Guddiga, qaybinta haraadigii kaararka 3-da degmo, dib-u-eegista iyo qabashada liisaska murashixiinta, ololaha doorashada iyo maalinta doorashada oo la qorsheeyay inay dhacdo 23-ka July 2024.

Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa ugu baaqay dhammaan ururrada bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadda inay kala shaqeeyaan wacyigelinta dadweynaha iyo fududeynta hirgelinta doorashooyinka.


Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa warbixin ku saabsan shaqooyinka iyo horumarka wasaaradda siiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Wasiir Juxaa ayaa xusay guulaha la gaaray iyo shaqooyinka hortabinta leh ee wasaaradda muddadii u dhexeysay labada kalfadhi, isagoo sidoo kale ka hadlay muhiimadda doorashooyinka golayaasha deegaanka ee soo socda.

Qabashada doorashada saddexdan degmo iyo doorashadii Madaxtinnimo ee dhacday 8 jannaayo oo ay xukuumadda Puntland qorshaynaysey in lagu galo hannaanka qof iyo cod, ayaa waxaa diidmo adag oo curyaamisay himiladaas kala hortegey mucaaradkii xukuumadda, iyaga oo soo jeediyey in dib loogu dhigo dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland doorashada ka dib, taasoo hadda la gudagalay dhammaystirka saddexdii degmo ee dhinnaa.

Puntland ayaa noqonaysa Dowlad Goboleedkii koowaad oo si buuxda u dhammaystira hannaanka doorasho ee qof iyo cod oo hore doorasho ka dhacday 33 degmo lagu soo doortay in ka badan 860 wakiil, waxayna tani u gogol xaaraysaa in doorashada soo socota ee Madaxtinnimo lagu soo doorto cod dadweyne.

Haddaba haddii Punland ay ku guulaysto qabashada doorashooyinka dadweyne ee 3-dan degmo ee ka dhinnaa dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland, sow lama oran karo HOOYADII FEDERAALKU WAXAY ISU CIMAAMADDAY HOOYADA DIMUQRAADIYADDA DALKA.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
broken clouds
25.1 ° C
25.1 °
25.1 °
89 %
7.1kmh
56 %
Wed
27 °
Thu
27 °
Fri
28 °
Sat
28 °
Sun
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!