Kadib xadgudubkii Itoobiya ee ay sheegtey in maamul Soomaaliya ka mida ay la gaareen heshiis 20km oo badda ah bishii kowaad ee sannadkan sii dhammaanaya, waxaa muddadaas taagnayd xiisad xadgudbkaas ka dhalatay oo u dhaxaysey Soomaaliya iyo Itoobiya.
Muddadaas Kulamo badan oo heer wasiireed ah ayaa natiijo la’aan kusoo idlaaday, taasoo keentay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan kulan uu garwadeen ka yahay uu isugu keeno Caasimadda Ankara hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya
Kulankaas oo ay kasoo baxeen qodobadan soo socda;
1. In Itoobiya loo ogolaado marin badda ah oo ay maamulkeeda leedahay iyadoo la qadarinayo midnimada iyo wadjirka dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. In la ixtiraamo madax banaanida iyo midnimada labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamigaa ee axdiga Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.
3. In la bilaabo wadahadallo farsamo ugu danbeyn febraayo 2025 si loo helo marin badeed waara oo ammaan ah oo ay Itoobiya ka helayso xeebaha Soomaaliya, waana in afar bilood gudahood lagu gaaraa heshiis rasmiya.
4. İn laga wada shaqeeyo heshiisyada ganacsi ee labada dal danta u ah.
MUXUU KA DHIGANYAHAY HESHIISKAN NUXURKIISU
Si aan u fahanno heshiiskan nuxurkiisa waa in aan marka hore eegnaa hadalladdii ay madasha ka jeediyeen sadexda hoggaamiye,
Madaxweyne Erdoğan oo wadahadalkan garwadeen ka ahaa waxa uu yiri;
“Waxaan isla garanay in aan wixii hore dib loogu laaban ee horay loo socdo labada dalna ay is ixtiraamaan, waxaan qaadnnay talaabadii kowaad ee ku wajahnayd bilow cusub oo nabdoon annagoo isla garanay yoolkeenna ah gobolka geeska Afrika oo dhibaatooyin badan soo maray in la horumariyo.
Adduunku dhammaanteen waa nagu wada filan yahay waxaan rajaynayaa in is fahmakani uu Itoobiya u furo marin Badeed rasmiya waxaanna ka rajaynayaa walaalkay Xasan sheekh in uu taas ka caawin doono.”
Raysulwasaaraha Itoobiya waxa uu yiri;
“Waxaan halkaan markale ka cadaynayaa in Itoobiya u baahantahay marin biyood rasmiya oo lagu kalsoonyahay waana arin u fiican deriskeenna oo dhan, tirada dadkeenna oo sii kordhaysa awgeed baddu waxay noo tahay lagama maarmaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu yiri;
“Itoobiya waxaan isku hayno waxaa ka weyn waxa aan ka midaysannahay kana wada shaqayn karno.”
FG: Madaxweyne Xasan waxa uu horay u sheegey in aanu Raysulwasaaraha Itoobiya la kulmi doonin ilaa ay ka laabanayaan heshiis ku sheegii ay la gaareen maamulka woqooyi ee Somaliland, kulankani waxa uu dhacay iyadoo aanay Itoobiya ka laaban heshiis ku sheegaas.
Marka la eego war murtiyeedka iyo hadalka Madaxweyne Erdoğan waxaa cad in Itoobiya ay si aad u dhib yar ku heshey marin badeedkii ay ku taamayeen tan iyo Abasiiniya.
Damaca Itoobiya ee ku bilowday ku qabso ku qadi mayside in uu sidaas sahlan ku hir geli karo waa hubaal oo xattaa Abiy ma malaysaneyn, waxaan caddayn u ah khudbaddiisii ugu danbaysey ee uu ka jeediyey baarlamaanka dalkiisa isagoo sheegey haddii ay ku guul daraystaan helidda marin badeed in ay hir gelin doonaan ubadkooda dhalan doona.
ITOOBIYA MAXAY FAA’IIDAYSAA?
Dhowr bilood kadib marka heshiiskan la saxiixo waxay faa’idayaan Itoobiyaanku deked casriya oo ay maamulkeeda,Shaqaalaheeda,cashuurteeda iyo ciidankeeduba Itoobiyaan yihiin.
Arinkaasi waxa uu la micne yahay dowlad dowlad ku dhex nool, sababtoo ah Itoobiya haddii ay rabto keliya deked ganacsi haddaba waxaa diyaar ula ah Jabuuti.
A. Itoobiya waxay rabtaa deked iyo saldhig ciidan badeed waana sababta ay u diyaarsatay ciidanka badda, kasoo uu dalka Faransiisku tababarka iyo qalabkaba siiyo iyagoona loo soo xiray tababarkoodii ugu horeeyey jannaayo 2022.
B. Itoobiya waxay rabtaa in ay muwaadiniinteeda dib u dejin uga samayso meesha ay dekedda ka hesho.
C. Itoobiya waxay rabtaa in ay sugidda amniga badda cas qayb ka noqoto Israa’ilna wakiil uga noqoto geeska Afrika iyadoo ku geleysa la dagaalan burcad badeed halis ku ah amniga markiibtaba.
D. Itoobiya waxay rabtaa sida ay badda noogu qabsatay in ay noogu qabsato khayraad walba oo badda kasoo baxa.
TURKIGU MUXUU FAA’IIDAYAA?
A. Turkigu waxa uu muujinayaa awooddiisa iyo saamayntiisa diblomaasiyadeed ee Afrika iyo Adduunkaba, annagoo og inuu horey isugu deyey heshiisiinta Ruushka iyo Yukrayn balse uu ku guul daraystey kadib markii Ruushku duray dhex-dhexaadnimadooda.
B. Turkigu waxa uu rabaa in shirkadihiisu dhisaan dekedda ay Itoobiya ka heleyso biyaha Soomaaliya.
C. Turkigu waxa uu rabaa maamulka dekeddaas haddii uu helayo.
D. Turkigu waxa uu rabaa in shirkadihiisu ay dekedaha maalgelintooda,dhisiddooda iyo maamulkoodba kula tartamaan shirkadaha Imaaraatka. iyadooba laga yaabo in DP World heshiisku marka uu hir galo ay qayb ka noqoto bacdamaa haddaba aanay qarsoonayn taageeradeeda UAE ee Itoobiya.
SOOMAALIYA MAXAY FAA’IIDAYSAA?
A. Soomaaliya waxa ay faa’iidaysaa keliya in Itoobiya dhehdo dal madax banaan oo aan aqoonsannahay midnimaddiisa dhuleed ayaad tahay, waxba kama duwana hadalkoodii ahaa maamulka woqooyi ee Somaliland waan aqoonsanaynaa haddii ay badda na siiyaan.
B. Haddii ay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku fekeraya in ay mashruucaas ka shaqayn doonaan shaqaale Soomaaliyeed tusaalaha ugu dhow haka fiiriyaan dekedda Berbera yaa badan Soomaalida iyo Itoobiyaanka ka shaqeeya maanta.
MAXAA NALA GUDBOON
B. Dadka Soomaaliyeed waa in ay iska diidaan duullaanka xeeladaysan ee dhulkooda loogu habsanayo, inta aynaan ku damayn masiirka walaalaheen Falastiin.
T. Golaha shacabku waa in uu laalaa heshiis kasta oo dhul Soomaaliyeed shisheeye loogu sharciyeynayo.
J. Culimada, aqoonyahanka, dhaqanka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu waa in ay dareenkooda muujiyaan dadkana ku baraarujiyaan in ummadda Soomaaliyeed sida ay hadda tahay iyadoo ka tabar,aqoon iyo tacab yar ay dhulkooda ka difaacdeen cadow Itoobiyaan ka xooggan.
W/Q: MAXAMED SAMATAR