JABUUTI OO KA JAWAABTAY DHAQDHAQAAQYADII AWDAL EE LAGU EEDEEYEY

0
JABUUTI OO KA JAWAABTAY DHAQDHAQAAQYADII AWDAL EE LAGU EEDEEYEY
JABUUTI OO KA JAWAABTAY DHAQDHAQAAQYADII AWDAL EE LAGU EEDEEYEY

Qoraal ka soo baxay dowladda Jabuuti kaas oo loogu jawaabayey Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Muuse Biixi uu maalmahan wado kicin iyo colaad aan loo baahnayn. Qoraalka ayaa yimi ka dib markii dhowaan uu Muusi Biixi ku eedeeyey Jabuuti inay abaabulayso jabhado ka dhan ah Somaliland.

Sidoo kale, Xafiiskii Somaliland ee Jabuuti ayaa la xiray, iyadoo wakiilkii halkaas u joogey maamulka Somaliland na loo yeeray, waxaana marba marka ka danbaysa cirka isku sii shareeraysa xiisadda labada dhinac.

Dhanka kale, qoraalkan ka soo baxay Dowladda Jabuuti ayaa marna lagu xusin Dowladda Soomaaliya, iyada oo aan la ogayn ujeeddada ka danbaysa in Jabuuti si toos ah ugu jawaabto maamul ka tirsan Dowladda Soomaaliya aysanna xusin midnimada dalka.