MUQDISHO (ISBAHAYSI) – Dowlad Goboleedka Jubbaland waa mid kamid ah Dowlad Goboleedyada ugu muhiimsan dalka, kaas oo tan iyo aasaaskii maamulkaas uu Madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, isla markaana 12 sano ee la soo dhaafay wax ka jaangoynayey siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Jubbaland iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xulufo dhow ahaa labadii sannadood ee la soo dhaafay, ayaa hadda si weyn u kala tegey, iyada oo Jubbaland xuddun u noqotay fashilka qorsheyaashii kala duwaanaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay ugu weynayd muddo kororsi uu xukunka ku dheeraysanayo.
Labada dhinac oo khilaafkoodu gaarey halkii ugu sarraysey, ayna muuqato hadda inay soo xirmeen dhammaan albaabada nabadda, wadahadalka iyo waanwaanta ayaa xilligan ku diriraya dhinacyo kala duwan oo mid ba midka kale doonayo in uu karkaarka ku weydaariyo. Waxa aynu dul istaagaynaa 4 gobood oo ay dhinacyadu si weyn ugu dagaalamayaan iyo midhaha uu mid walba ka goostay ilaa hadda.
1. Saamaynta Gobolka Gedo
Gobolka Gedo wuxuu noqday goobta ugu daran ee ay mar walba si ba’an ugu diriraan DFS iyo Jubbaland. Ka dib markii uu Axmed Madoobe gudagalay doorashadiisa, DFS ayaa dadaal badan ku bixisay sidii ay ula wareegi lahayd maamulka gobolka Gedo, iyada oo degmada Garbahaarrey diyaarad u saartay xubno teegeersan DFS oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii Jubbaland ee gobolkaas Cabdullaahi Shimbir, taaso aan markii hore u suurtagalin sababo la xiriira ciidamada Itoobiya ee gacanta ku haya amniga Gobolkaas oo dib u celiyey wafdiga.
Sida ay Isbahaysi xog ku heshay, DFS waxay la xiriirtay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Garbahaarrey iyo Baydhabo, iyadoo laaluush siinaysa si ay u oggolaadaan in guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir uu yimaado halkaas.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya ka jooga Garbahaarrey ayay xoguhu sheegayaan inay DFS ku laaluushtay lacag dhan $35,000, halka kan Baydhabo na la siiyay $50,000, waxaanay tani sababtay in Guddoomiiyihii Gedo loo oggolaado inuu yimaaddo Garbahaarrey.
Haddaba markii dowladda Itoobiya ogaatay falkaas laaluushka ah, waxay canaanatay saraakiisheeda, kuna amartay in guddoomiye Shimbir uusan wax dhaqdhaqaaq ah samayn karin, ciidamana la keeni karin Gedo, isla markaasna aysan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gedo ka amar qaadan karin. Halkaas ayuu ku shiiqay qorshihii DFS ee Gedo, waxaana muuqata in Axmed Madoobe iyo Jubbaland oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya ee jooga gobolkaas ay ku adkaadeen dhankaas.
2. Dhinaca Kenya
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa safar ku tagay Kenya isagoo leh labo qorshe oo ku saabsan sidii cadaadis loogu saari lahaa Axmed Madoobe. Qorshaha koowaad wuxuu ahaa in dowladda Kenya laga dacweeyo, garabkiisana laga saaro. RW Xamse oo la kulmay Taliyaha sirdoonka Kenya ayaa ka dalbaday in Kenya ka caawiso sidii DFS gacan ugu soo dhigi lahayd Madaxweyne Axmed Madoobe, loona dhaafin lahaa talada Jubbanland, sida uu Isbahaysi u sheegay Guddoomiyaha degmada kismaayo, ahna duqa magaalada Cumar Faraweyne.
Jawaabta ka timi dhanka Kenya ayaa noqotay in RW Xamse, lagu canaanto Ciidamada ay DFS gaysay Raaskambooni oo ay Kenya sheegtay inay tahay goob kaabiga ku haysa xuduudda dalkeeda, ayna iyagu dhiseen Garoonka Diyaaradaha ee deegaankaas, ciidankii DFS ay la wareegtayna ay ahaayeen ciidamo ay Kenya gacanta ku haysey, aasaaskoodana lahayd.
Sida xoguhu sheegayaan Taliyaha Sirdoonka Kenya ayaa la wadaagay RW Xamse in dagaallo ka dhaca aaggaas ay halis ku yihiin amniga Kenya, fursadna siinayaan kooxaha argagixisada ah, sidaas darteed ay tahay in degdeg looga celiyo ciidamada ay halkaas keentay Dowladdu.
Inkasta oo dalabkaas ka cagajiidday DFS kuna xirtay shuruudo ay ka mid yihiin in Axmed Madoobe ka laabto doorashadiisii oo uu qaato sannad muddo kordhin ah ama Guddiga Cusub Doorashayiinka ee Federaalku dhisay ay u qabtaan doorasho horleh. Dowladda Kenya ayaa ka gaabsatay dalabyadaas, una sheegtay inay iyagu wada hadlaan, basle Ciidamadaas degdeg looga celiyo goobtaas maadaama ay halis ku yihiin amniga Kenya, waxa ayna DFS qabsatay muddo 15 maalmood gudahood ah inay ciidamadaas ku celinayaan, uuna Ra’iisul Wasaaruhu wadatashi ugu laabanayo Xamar.
Qorshaha labaad ee safarka RW Xamse ee Kenya wuxuu ahaa in beesha Kuumade oo ay isaga iyo Axmed Madoobe ka soo wada jeedaan uu la kulmo, kuna soo qanciyo inay Axmed Madoobe garabkiisa ka baxaan, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse isu muujinayo inuu taageero ugaga haysto beeshiisa qorshaha DFS ee Jubbaland, ayna garab joogaan Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba, qorshahan ayaa kusoo dhammaatay fashil, ka dib markii haldoorkii beeshaas ee ku sugnaa Kenya ay u janjeedhsadeen dhanka Axmed Madoobe, iyada oo shir uu RW Xamse kula kulmi lahaa 100 qof oo beesha Kuumade ah la baajiyey ka dib markii looga cabsaday sababo amni iyo in gacabqaad ka dhexdhasho ka qayb galeyaasha shirka.
Ka dib safarkii uu RW Xamse kaga soo noqday Kenya Dowladda Federaalka ayaa magacawday guddi u xilsaaran galka Jubbaland, kaasoo deneeyeyaasha gudaha iyo dibadda kala xaajoonaya. Guddiga ayaa kala ah 1. Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, 2. Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo 3. Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Sanbaloolshe.
Waxaa la yaableh in guddigan aanu ku jirin qof ka soo jeeda ama wax ka gala Jubbaland, waxaanay tani muujinaysaa sida ay dowladda Federaalku jiho khaldan uga istaagtay galka Jubbaland iyo sidaan kalsooni wacan loogu qabin xubnaha DFS ku metela Jubbaland beel ahaan iyo maamul ahaanba.
3. Dagaalka Gudaha ee Jubbada Hoose
Tan iyo markii uu Axmed Madoobe guda galay doorashadiisa, waxa ay DFS gudaha deegaannada Jubbaland si gaar ah Gobolka Jubbada Hoose kaga furtay dagaal siyaasadeed iyo mid ciidan oo dhawr jiho leh, iyada oo DFS ay maalgelisay xubno siyaasiyiin mucaarad ku ah Axmed Madoobe kuwaas oo qaarkood isku doortay gudaha degmada Kismaayo.
Ilyaas Beddel Gaboose oo sheegay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland isaga DFS ka helaya taageero dhaqaale, una ballan qaadday aqoonsi, ayaan mirodhalin, wax saamayn ahna ku yeelan gudaha Kismaayo. Maalmo ka hor waxaa la dilay mid ka ah xubnihii hawl-wadeennadiisa ugu dhowaa, isaga oo hadda uu xabsi guri ku ah gudaha Kismaayo, waxaana Axmed Madoobe oo hadlay maalmo ka hor uu tilmaay inaysan 10 daqiiqo ku qaadanayn soo afjariddiisa haddii uusan ka tanaasulin sheegashada Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo kale, DFS ayaa diyaarado ku daadgureysay ciidamo gudaha Jubbaland, gaar ahaan Raaskambooni oo ku taalla cirifka xiga xuduudda dhanka Kenya, iyada oo heshis la gashay ciidamo ka tirsanaan Jubbaland balse dowladda Kenya si dadban gacanta ugu haysay oo sugi jirey amniga deegaankaas.
DFS ayaa marar kala duwan shaacisay inay ku so xiireen ciidamado ka soo gaastay Jubbaland oo ay maanta ugu danbaysay 4 doomood oo la sheegay inay sideen ciidamo kusoo biiray kuwa Federaalka ee jooga raaskambooni.
Inkasta oo DFS guulo ka sheeganayso dhinacan, misna waxaaan daah saarnayn inaysan wax badan gudaha Kismaayo ka tarayn ciidamada la geeyey Raaskambooni oo u jirta in ka badan 260km, sidoo kale waxay xoguhu sheegayaan in Guddoomiyihii hore ee degmada Badhaadhe Cabdullaahi Farax oo ah masuulka ka shaqeeyey in Raaskambooni gasho gacanta Federaalka ay soo wajahday cabsi kaga timi dalal shisheeye, lana geeyey Muqdisho, haddana la qorshaynayo in loo diro dalka Turkiga.
4. Metelaadda Jubbaland ee DFS
Goobta afraad ee dagaalka siyaasadeed uu ku dhex maray dhinacyadu waa kala jiidashada xubnaha Jubbaland ku metela goleyaasha kala duwan ee DFS. Hoggaanka Jubbaland ayaa ku guulaystay in xildhibaanno ka badan 40 uu ku martiqaado Xarunta KMG ee Kismaayo, iyaga oo taageero u muujiyey mawqifka Jubbaland, kana qayb galay doorashadiisii.
Sidoo kale, waxaa golaha xukuumadda RW Xamse iska casilay xubno wasiirro ah oo si weyn ugu eedeeyey Dowladda Federaalka inay duullaan ku tahay Jabbaland, waxaana iyanaa shaqada ka tegey La-taliyeyeyaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taas oo muujinaysa sida Ra’iisul Wasaare Xamse loogaga adkaaday xubnihii meteley Jubbaland iyo xitaa hawl-wadeennadii xafiiskiisa.
5. Gunaanad
Gabogabadii, waxaa muuqata in isku dayadii ay DFS ku doonaysey in lagu soo afjaro hoggaaminta Axmed Madoobe ee Jubbaland aan ilaa hadda laga gaarin wax guul ah oo la taaban karo, waxaana dhammaan goobaha lagu dagaallamay DFS ay kala kulantay fashil iyo culaysyo aysan ilaa hadda ka gudbin.