Thursday, September 19, 2024
26.9 C
Mogadishu

KALFADHIGA SHANAAD EE BAARLAMAANKA 11-AAD IYO KALA-GUURKA MARXALADDA CUSUB

(Muqdishi, Isbahaysi) Kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka 11-aad ayaa ku furmay si taxadar, kala shaki, iyo hubanti la’aan isugu jirta. Habka ay Xildhibaannadu u soo dhoweeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh oo kalfadhiga furayay ayaa dareenkooda muujinaysay, habacsanantii lagu qaabilay Madaxweynaha iyo marxa`bayn la’aanta oo caado iska ahayd kalfadhiyadii hore.

Madaxweynaha iyo Xildhibaannada waxaa isugu laaban xisaabaad fara badan oo aan weli la dejin xaasilkeeda, waxaana muuqata in Xildhibaano badan ay Madaxweynaha la galeen heshiisyo aan sharci ahayn oo ay kaga badesheen gacan taagga afartii cutub ee dastuurka laga beddelay.

Fulin la’aanta heshiisyadii Madaxweynaha iyo Xildhibaannada, xil-gudasho la’aanta xukuumadda, saansaanta nooca doorasho ee la aadayo, qabyo tirka dastuurka, iyo kala furashada Villa Somalia iyo madaxda Dowlad Goboleedyada oo u muuqata mid shinkeedii joogta ayaa xiiso iyo xamaasad dheeraad ah u yeelaya kalfadhigan.

Waxaa kale oo cadhada baarlamaanka cirka ku sii shareeray markii la hor keenay gudiga joogtada ah 16 sharci oo Xafiiska Raisul Wasaaruhu soo gudbiyay looguna talo galay in lagu mashquuliyo Xildhibaannada si aysan shaqadooda la xisaabtanka u gudan.

Xeel-dheereyaashu waxay leeyihiin kalfadhigan waa kala bayr oo baarlamaanka ayaa awooddiisii soo ceshan doona oo xukuumadda la xisaabtami, talo ku yeelan go’aamada siyaaseed ee dalka ama wuxuu noqon mid sii daciifa oo haybaddiisu lunto oo aan qadiyadaha taagan waxba laga waydiin, waxaana suurtagal ah inay kala qaybsamaan oo labo guddoon iyo labo baarlamaan noqdaan sidii la ahaa markii ugu danbaysay ee Aadan Madoobe ahaa la-guddoomiye.(Co-Speaker).

Wax walba waxay ku xiranyihiin siduu yeelo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la tuhunsanyahay inuu xukuumadda u galay, haddii uu oday u noqdo aqalka doortay oo shirarkooda u guddoomiye, dhinaca ay u bataan ugu guddoomiyo, waxaa muuqata rajo uu ku sii jiri karo baarlamaanku kuna sii wadan karo shaqadiisa, haddiise uu Gudoomiyuhu sida kale yeelo oo amarrada laanta fulinta ku sii shaqeeyo waxaa la dhaxli doonaa baarlamaan kala qaybsan oo wakhtigu ka dhamaado isagoo Warbaahinta waraaqo isku dhaafsada.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
26.9 ° C
26.9 °
26.9 °
77 %
7kmh
39 %
Thu
27 °
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
27 °
Mon
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!