Thursday, September 19, 2024
28.9 C
Mogadishu

MADAXTOOYADA OO ABAABULAYSA DACAAYADO KA DHAN AH MADAXWEYNE SHARIIF

Muqdisho (Isbahaysi) — Warbaahinta Isbahaysi ayaa heshay xogo sheegaya in dagaal xooggan iyo dacaayado lagu sumcad dilayo lagu qaadayo Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalkan warbaahinta ayaa abaabulka dacaayaddiisa waxa ay ka socdaan Xafiisyada Warfaafinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasaaradda Warfaafinta. Dacaayaddan ka dhanka ah Madaxweyne Shariif ee lagu sumcad dilayo ayaa la sheegay inay sababtay ka dib markii ay Villa Somalia dhibsatay shirkii uu Madaxweyne Shariif kaga qayb galay magaalada Garoowe iyo isbahaysi siyaasadeed oo uu la yeeshay mucaaradka.

Sidoo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cabsi xooggan ka qaba saamaynta Shariif ee siyaasadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si taas loo wiiqana waxaa la abaabulayaa dacaayado loo saarinayo inuu qayb ka yahay dagaal beeloodyo ka dhacay deegaannada maamulkaas.

Dhowaan ayay ahayd markii Cabdiraxmaan Nuur Abuukar oo ah xubin ka tirsan Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga Himilo Qaran uu sheegay in Warbaahinta Gundhig oo uu leeyahay Madaxa Warbaahinta Xasan Sheekh Maxamuud ay abaabulayso warbixinno lagu sumcad dilayo Madaxweyne Shariif, taas oo ay saxafiyiin badan iska diideen laaluush ku qaadasha sumcad dilka madaxdii hore ee Dalka.

Go’aanka sumcad dilka Madaxweyne Shariif ayay Madaxtooyadu guddoonsatay ka dib markii uu fashil kusoo dhammaaday kulan ay Madaxweyne Xasan ku yeesheen magaalada Nayroobi, waxaa baahinta dacaayadahan la qorshaynayaa in lagu beego ciidka ka dib, xilligaas oo Shariif kusoo laabanayo magaalada Muqdisho.

Waxaa la xusuusan yahay weerarkii hore ee Madaxtooyadu ay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kaga hor istaagtay inuu bulshada gaarsiiyo afkaartiisa, isagoo gudanaya waajibaadkiisa xildhibaannimo, iyada oo Warbaahinta Qaranka oo xilligaas toos u tebinaysa khudbiisa laga joojiyey.

Shariif oo ka mid ah mucaaradka ugu miisaanka culus xukuumadda haatan jirta ayaan la ogayn sida uu uga falcinayo abaabulkan lagu sumcad dilayo, iyada oo hore siyaasiyiin kale u sheegeen in Dowladdu ku mashquulsan tahay dacaayado lagu beegsanayo dadka ka aragtida duwan.

Madaxtooyada oo Abaabulaysa Dacaayado Ka Dhan ah Madaxweyne Shariif

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
broken clouds
28.9 ° C
28.9 °
28.9 °
74 %
5.1kmh
75 %
Thu
29 °
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
27 °
Mon
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!