Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO DIB U JILAY RIWAAYADDII ABWAAN SOORAAN

(Isbahaysi, Muqdisho) Dhaxalka iyo keydka hodonka ah ee Abwaan Sooraan uu uga tagay umadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Riwaayad magaceedu yahay (Qof in aan ahay i aqoonsada).

Sooraan Alle ha u naxariistee, qof kasta oo uu magaalada ku arko inta uu gacanta qabsado ayuu ku oronayaa i aqoonsada in aan qof ahay. Dadka oo la yaaban ayaa ugu jawaabayaa; Oo maxaa tahay haddaa?!.

Haatan, Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu diray Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa Turkiga la wareegaya sheekadii mid la mid ah, iyagooba ku sii daray in ay Itoobiya siinayaan dhul iyo bad haddii ay aqoonsato Madaxbannaanida Soomaaliya.!

Arrinta filan waaga ah waa in Dawladdii Turkiga ee Madaxwayne Xasan Sheekh uu la soo galay heshiiska aan ilaa haatan la arkin, Baarlamaankuna ay u ansixiyeen ee lagu sheegay in uu ku saabsan yahay difaaca Badda Soomaaliya ay haatan iyadu horboodayso Itoobiya, kuna cadaadinayso dowladda Xasan Sheekh.

29-kii Bishii hore, wada hadal dhex maray Madaxwayne Xasan iyo Erdoğan waxaa dhinaca Soomaaliya lagu qanciyey in Itoobiya la siiyo Saldhig Milatari iyo Deked, taas beddelkeedna ay aqoonsanayso Itoobiya madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya ee ay horeyba u lahayd.

Arrintan waxaa si weyn ugu faanay Wariyaha Oromada ah ee lagu magacaabo Gammada Nageye oo tilmaamay in heshiiskii ugu kharash yaraa taariikhda ay ku heleen wixii ugu muhiimsanaa abid ee Itoobiya ay raadinaysa, sida laga dhadhansan karo qoraal ay shabakaddiisa Oromia ay baahisay.

Su’aashu waxay tahay; Haddii dalal kale dhahaan Madaxbannaanida Soomaaliya ma aqoonsanin ma dhul iyo bad ayuu u jari doonaa Madaxweyne Xasan Sheekh si ay u aqoonsadaan in Soomaaliya jirto.

Waxaan shaki ku jirin, Heshiiskan hoos geliska ah ee ay dhexdhexaadinyaan Turkigu in Hoggaanka hadda jira ay kula soo wareegayaan macaashkii iyo xaqul qalankii la siin lahaa Muuse Bixi oo kaliya, dadka Soomaaliyeedna ay badayaan gunnimo taariikhdu qori doonto iyo in Itoobiya ay nala maamusho marin badeedyada istaraatiijiga ah ee haatan ku kooban Soomaaliya.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!