MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JIDGOOYO HOR LEH U DHIGAY DOORASHO DADWEYNE OO DALKA KA DHACDA

0
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JIDGOOYO HOR LEH U DHIGAY DOORASHO DADWEYNE OO DALKA KA DHACDA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO JIDGOOYO HOR LEH U DHIGAY DOORASHO DADWEYNE OO DALKA KA DHACDA

Muqdishi – Isbahaysi: Iyada oo markii horeba ay tiro beel ahaayeen caqabadaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka dhacda ayaa haddana Madaxweynuhu maanta abuuray jidgooyo hor leh markii uu xubin ka tirsan kooxdiisii ololaha kala shaqeeyay guddoonka gudiga dooddu ka taagantahay ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha. 

Madaxweynaha oo isku gaar yeelay xulista iyo magacaabidda gudiga 18-ka xubnood ka kooban ayaa la xaqiijiyay in shardi looga dhigay xubin walba inaysan isku sharixin guddoonka gudiga, maadaama Madaxtooyadu la doonayso inuu guddiga hoggaamiyo Cabdikariim Axmed Xasan oo kooxda ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh ka mid ahaa doorashadii ugu danbaysay ee 2022.

Qorshaha in Villa Somalia la doonayso Cabdikariim Axmed Xasan guddoonka gudiga lagu muransanyahay xalaalnimadiisa ayaa soo baxay labo sano ka hor markii la kala diray guddigii hore ee Xaliimo Yarey guddoomiyaha u ahayd, taas oo muujinaysa kalsoonida uu  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qabo ninka maanta la doortay. 

Guddigan ayaan wax soo dhoweyn ah ka hellin, dowlad goboleedyada, murashaxiinta iyo saaxiibada Soomaaliya oo laga filayay inay noqdaan cidda maalgelinaysa.

Xubno ka tirsan dowladda oo aan la hadalnay ayaa muujiyay in guddigan yahay Waraabe taag ( Fake) loogu talo galay in ugu danbayn la kala diri doono, ujeedada kaliya eel aga leeyahayna ay tahay in lagu muujiyo uun in Madaxweynuhu doorasho qof iyo cod ah rabo, kooxaha mucaaradkuna diideen.