Wednesday, September 18, 2024
27.2 C
Mogadishu

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU HUNGOOBAY LABO CODSI OO UU U GUDBISTAY SAFIIRKA MARAYKANKA

Muqdisho, (Isbahaysi) – Warbaahinta Isbahaysi ayaa ogaatay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuldarraystay labo codsi oo uu u gudbistay Safiirka Maraykanka ee uu dhawaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Safiir Richard H. Riley in uu Hargaysa tago oo ku adkeeyo Madaxweynaha Somaliland in Maraykanku ay aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya, aysanna aqbalyna faro galinta Itoobiya.

Safiirka Maraykanka ayaa taas ka cudurdaartay, waxa uuna sheegay in Safaaradda oo uu la wareegay ay u yaaliin howlo dib u habayn, intaas kaddib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirka ka dalbaday in uu qabto shir jaraa’id oo uu ku tageerayo mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah heshsiiska Itoobiya iyo Somaliland, balse taasna ilaa haatan waa ay ka warwareegaysaa Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Hungoobay Labo Codsi oo uu u Gudbistay Safiirka Maraykanka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo culays siyaasadeed dareemaya iyo diblomaasiyadda Itoobiya oo ka xoog badnaatay tan Soomaaliya ayaa go’aansaday in uu qaado jid ka duwan tii iska dhicinta ahayd ee bilowga khilaafkan, isagoo isku dayaya in uu dabciyo go’aankiisa, kuna beer-laxowsado reer Galbeedka in uu aqbalsan yahay in Itoobiya ay ka faa’iideysto Badaha Soomaaliya.

Maanta mar uu ka hadlay shir ku saabsan Ururka Bulshada Bariga Afrika waxa uu Madaxwayne Xasan Sheekh oo ay ka muuqato quus soo bandhigay sida ay dawladdiisu u soo dhaweynayso in Itoobiya ay Soomaaliya ka hesho dekado.

Warbaahinta Isbahasi ayaa horey u tabisay in Dawladda Madaxwayne Xasan Sheekh ay ka tanaasushay shuruudihii ay ku xirtay Itoobiya si ay ula xaajooto, taas oo ay ugu horreysay in laga laabto is-afgaradka Dekedda ee ay la galeen Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Isbahasi ayaa ogaatay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu ka baaqday safar uu Maraykanka kaga qeyb-gali lahaa siminaar ku saabsan maamul wanaaga Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa uga baaqday cabsi uu ka qabo hanjabaadda Itoobiya ee ku saabsan in ay aqoonsanayaan Somaliland dhammaadka bishaan, isagoo dalka ka maqanna uu soo food saaro culays hor leh.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wadda xiriirro ay la samaynayso safaaradaha beesha caalamka ee Muqdisho oo badankood u muuqda kuwa aan mudnaan siinayn arrinta labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, halka qaarkood ay si bareer ah ula safan yihiin meel marinta heshiiska Abby iyo Muuse.

Labo sano oo uu xukunka joogay Madaxwayne Xasan Sheekh waa culayskii diblomaasiyadeed ee Labaad ee soo food saara, kaas oo uu ku guuldarraystay in uu maareeyo, kaddib markii uu fashilmay qorshaha uu ku doonayey in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho UNSOM oo Marayknku ku cadaadiyeen in uu faraha kala baxo, sidiisana Xafiisku u shaqeeyo.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
few clouds
27.2 ° C
27.2 °
27.2 °
75 %
8.2kmh
24 %
Wed
27 °
Thu
27 °
Fri
28 °
Sat
28 °
Sun
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!