Thursday, September 19, 2024
26.9 C
Mogadishu

MADAXWEYNIHII HORE EE IRAN MAHMOUD AHMADINEJAD OO ISU DIIWAAN GELIYEY TARTANKA MADAXTINNIMO EE DALKAAS

Iiran (Isbahaysi) – Ka dib shilkii diyaaradeed ee toddobaadyo ka hor ka dhacay dalka Iiran kaas oo galaaftay nolosha Madaxweynihii Iiran Ebrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Xubno kale oo muhiim ah, waxaa gudaha Iiran laga dareemayaa diyaargarawga doorashada madaxtinnimo ee dalkaas.

Madaxweynihii Hore ee dalka Iiran Mahmoud Ahmadinejad oo kursiga joogey intii u dhexaysay 2005 ilaa 2013 ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu miisaanka culus ee u tartamaya jagadan oo ay isu diiwaan geliyeen tobannaan musharrax oo ay ka mid yihiin Madixii Hore ee wada xaajoodyada Nukliyeerka Iiran Saeed Jalili, Ali Larijani oo saddex jeer soo noqday Afhayeenka Baarlamaanka, duqa magaalada Dahraan Alireza Zakani iyo madixii hore ee Bangiga Dhexe Abdolnasser Hemmati.

Ahmadinejad oo caan ku ahaa siyaasaddiisa adag, ayaa isu diiwaan geliyay inuu yahay musharax, taas oo kordhineysa fursadaha inuu mar kale isku soo taago jagadaas, waxaana lagu yaqaan taageeridiisa barnaamijka nukliyeerka Iiran, dhaleecaynta reer Galbeedka iyo inuu marar badan sheegay in xasuuqii Nazi-ga ee la sheego uu yahay wax khuraafaad ah.

Madaxweynihii Hore ee dalka Iiran Mahmoud Ahmadinejad

Maalmaha soo socda, Golaha Sare ee Ilaalada Iiran ee wadaaddada ah ayaa kala saari doona musharaxiinta ka hor inta aysan daabicin liiska kama dambeysta ah. Golahan Ilaalada ayaa hore Ahmadinejad ugu diiday inuu ka qayb galo tartanka doorashadii 2017, iyada oo xillgaas uu Hoggaamiyaha Sare ee Ayatollah Ali Khamenei u sheegay Ahmadinejad in ka qaybgalkiisa doorashadu aysan dan ugu jirin isaga iyo dalka.

Ahmadinejad, waxa uu saaxadda siyaasadda ka maqnaa tan iyo markii uu xilka ka degay, isagoo dib ugu laabtay xirfadiisii macallinimo. Intii uu xilka hayey, wuxuu caanka ku ahaa inuu raaco gaadiidka dadweynaha halkii uu isticmaali lahaa gaadiidka madaxda. Sidoo kale, wuxuu iska diiday inuu mushaar ka qaato dowladda, wuxuuna ku noolaa mushaharka macallinimada, isaga oo aan sidoo kale dalban lacagta hawlgabka ee ay qaataan madaxweynayaasha xilka ka dega.

DHAMMAAD

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
26.9 ° C
26.9 °
26.9 °
77 %
7kmh
39 %
Thu
27 °
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
27 °
Mon
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!