Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii dhibaatada badani ka soo gaartay Ciidanka Qaranka ee Raaskaanbooni waxaa soo baxaya raadadka dhacdooyin hor leh oo ku saabsan dagaalkaas. Sida xoguhu werinayaan Dowladda Federaalka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) oo ah nooca loogu talogalay arrimo rayid ah balse dib loo farsameeyey laguna xidhay walxo qarxa u adeegsatay dagaalkii ay la gashay Ciidamada Jubbaland.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo warbaahinta la hadlay maalintii dagaalku socday ayaa sheegay in DFS ay ciidanka Jubbaland ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyada oo sidoo kale ay ilo madax bannaan sheegeen in uu weerarkaasi uu dhaliyey khasaare uu ka mid yahay gaadiid dagaal oo laga gubey dhanka ciidamada Jubbaland.
Sida ay Isbahaysi heshay Ciidankii Federaalka ee isu dhiibay Kenya waxa ku jira sarkaal lagu magacaabo Cabdisalaam oo hay’adda NISA u qaabbilsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Sarkaalkan drones-ka kusoo bartay dalka Turkiga ayaa sidoo kale aqoon u leh sida diyaaradaha is wada ee rayidka ah loogu xiro waxyaabo qarxa, wuxuuna ahaa madaxii hagayey drones-kii ay Dowladda Federaalku u adeegsatay Jubbaland.
Madaxweyne Xasan ayaa xilli dhammaan ciidamadii kale ee Kenya isu dhiibay aan la soo celin waxa u dadaal xooggan geliyey in sarkaalkan oo ay isku qoys hoose yihiin degdeg Muqdisho loogu soo celiyo, iyada oo maalinnimadii shalay ay diyaaradi ka dejisay Garoonka Aadan Cadde.
Dhanka kale, maamulka Jubbaland oo dagaalkii Raaskaanbooni ku qabtay qaar ka mid ah diyaaradiihii aan duuliyaha lahayn ee Dowladdu adeegsanaysay iyo agabkoodii, ayaa dhanaciisa dadaal badan geliyey in sarkaalkan iyaga loo gacan geliyo, inkasta oo cadaadis ay DFS saartay Kenya dhanka Muqdisho laga dejiyey, waxaana la ogayn in sarkaalkani muhiimad gaar ah u lahaa DFS iyo in arrimo qoys dartood uu si gaar ah Madaxweynuhu keligii ugu mintiday.
Soddonkiii sannadood oo Soomaalidu is dileysay waxaan marna dhacdadan ka hor saaxadda goobaha dagaalka lagu arag in la isu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaanay dhacdadii Raaskaanbooni albaab cusub oo halis ah u furaysaa colaadaha ka dhaca Soomaalida dhexdeeda.
Diyaaradaha aan duuliyaha ayaa sannadahan noqday qaab-dagaal cusub oo dunnida kusoo kordhay, wax badanna ka beddeley sidii loo dagaallami jirey, iyada oo furimaha dagaalka Yukrayn iyo Bariga Dhexe lagu arkay in diyaarado yaryar oo iswada oo isugu jira kuwo wax duqeeya iyo kuwa is qarxiya oo qiima iyo farsamo jaban lagu sameeyey ay waxyeello u gaysteen qalab dagaal oo malaayiin doollar ku kacay iyo burburinta saldhigyo millatari oo muhiim ah.