MAXAA XILLIGAN KUSOO BEEGAY WADAHADALLADA LAGU DHEXDHEXAADINAYO SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA EE UU MADAXWEYNAHA KENYA KU DHAWAAQAY?

0
Maxaa Xilligan Kusoo Beegay Wadahadallada Lagu Dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ee Uu Madaxweynaha Kenya Ku Dhawaaqay?
Maxaa Xilligan Kusoo Beegay Wadahadallada Lagu Dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya ee Uu Madaxweynaha Kenya Ku Dhawaaqay?

Ka dib safarkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegey magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, uuna halkaas kula kulmay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, waxaa soo shaac baxay in Madaxweyne Xasan oggoalaaday inuu wahadal la furo Itoobiya.

Sida uu shaaciyey Madaxweyne Ruto, dalalka Uganda iyo Kenya oo dhexdhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhowaan shir yeelan doona, iyada oo aanu caddayn goorta iyo goobta uu shirkaasi ka dhacayo.

Tan iyo bilowgii sannadkan sii dhammaanaya, xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaarey halkii ugu hoosaysay ka dib markii ay Itoobiya damaacisay inay qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed, isla markaas iyada oo gacandhaaftay DFS ay is-afgarad aan sharci ahayn la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah labada dalka ayaa hore isugu dayday in ay dhexdhexaadiso, iyada oo kulamo aan foolka fool ahayn oo dhawr wareeg ahaa aysan wax natiijo ahi ka soo bixin. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadalka iyo horfariisiga Itoobiya ku xirtay inay Itoobiya marka koowaad qarannimada Soomaaliya aqoonsato, kana laabato is-afgaradkii sharcidarrada ahaa, halka ay Itoobiya dalabkaas diidey kuna doodday in marka hore la is hor fariisto, lagana wada hadlo xiisadda labada dal iyo damaceeda badda.

Madaxda ugu sarraysa dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar kala duwan fagaare ka sheegay in Itoobiya tahay cadawga koowaad oo aan aqoonsanayn dalnimada Soomaaliya, aysanna horfadhiisan doonin ilaa Itoobiya ay ka laabato is-afgaradkii sharcidarrada ahaa iyo damaceeda badaha Soomaaliya.

haddaba waxa  tallaabadani uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugaga tanaasulasay mawdifkaas, ayaa ka dhalatay isbeddello siyaasadeed oo dhowaan soo ifbaxay, kuwaas oo dulucdooda laga fahmi karo afar arrimood oo muhiim ah:

1. Cadaadiska Calaamiga ah

bilihi la soo dhaafay waxaa dalalka Geeska Afrika safarro kusoo gaarey madaxda hay’adaha sirdoonka ee qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka, iyaga oo kulamo la qaatay Madaxda Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Madaxweyne Xasan ayaa bilo gudohood labo jeer la kulmay madaxa ugu sarreeya CIA-da Maraykanka, iyaga oo la sheegay inay ka wada hadleen soo afjaridda xiisadda Soomaaliya kala dhexaysa Itoobiya.

Falanqeeyeyaal siyaasadeed iyo amni ayaa sheegay in safarradani ay daarranaayeen cadaadisyo siyaasadeed oo ay dalalka reer galbeedku ku doonayeen in xal laga gaaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Dalalka daneeya arrimaha Geeska Afrika ayaa walaac weyn ka qaba in xiisadda u dhexaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay fursad siinayso kooxaha xagjiriinta ah. 

 2. Dalalka qaybta ka hawl-galka ATMIS oo Itoobiya u arka saaxiib muhiim ah

Itoobiya waxa ay qayb ka tahay hawl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo sidoo kale ay dalka ka joogaan ciidamo kale oo ka madax bannaan ATMIS. Sida xoguhu sheegayaan dalalka qaybta ka ah hawl-galka ATMIS oo Itoobiya u arka saaxiib muhiim ah oo aan looga maarmin sugidda amniga Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dhexdhexaadinayo labada dal, si Itoobiya ay qayb uga noqoto hawl-galka cusub ee AUSSOM. 

Haddaba, cadaadis ka yimi dalalkaas ayaa keenay kulamadan la isugu keenayo labada dal, iyada oo dhammaadka bishan uu ku egyahay waqtiga loo qabtay inay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.

3. Dalalkii ku yaboohay inay kusoo biirayaan AUSSOM oo Ciidamo laga waayey

Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey u sheegay in Itoobiya laga reebayo hawl-galka cusub ee AUSSOM, maadaama ay ku xadgudubtay madaxbannaanida dalka, ayaa dalal dhawr ah oo ay ka midyihiin Masar iyo Eritrea  oo uu safarro ku tegey ka codsaday inay ciidamo ugu yaboohaan hawl-galkan cusub, si loo buuxiyo kaalinta ay bannaynayso Itoobiya.

Haddaba, sida ay Isbahaysi ogaatay dalalkan ayaa ka cagojiiday inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo, iyada oo uu dhammaad sii yahay waqtiga ka haray bilaabashada hawl-galkan cusub. Arrintani waxa ay Xasan Sheekh ku abuurtay cadaadis uu ugaga soo debcay mawqifkiisii ku aaddanaa in ciidamada Itoobiya laga saaro hawl-galka AUSSOM.

4. Xiisadda Jubbaland iyo Dowladda Federaalka

Xiisadda cusub ee DFS iyo Jubbaland ayaa iyaduna soo dedejisay isbeddelka mawqifka Xasan Sheekh, si aanay Itoobiya garab ugu noqon Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, si gaar ahna ay dowladdu ula wareegto gobolka Gedo oo ay amnigiisa gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya, waxaana hadda soo ifbaxay in wadahadalladan cusub lagu soo bandhigayo mawqifkan cusub ee ka mid ahaanshaha ciidamada Itoobiya ee hawl-galkan cusub.

1. Gabagabo

Ugu dambayn, tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku oggolaaday wadahadallo lala yeesho Itoobiya ayaa ah kuwa dhaawacaya madaxbannaanida dalka, maadaama aysan jirin meel ay Itoobiya kaga laabatay damaceedii badaha Soomaaliya iyo is-afgaradkii sharci darrada ahaa.