Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

MAXAAN KA NAQAANNAA SHAQSIYAADKA LOO MAGACAABAY 4-TA TALIS EE LAGU SOO BIIRIYEY CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

Muqdisho (Isbahaysi) – Sida aan la soconno, dhowaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu magacaabay 4 talis oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

4tan talis ee cusub ayay dad badani ku fasireen inay yihiin talisyo lagu dhisay hannaan baalmarsan qaab-dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Haddaba, maxaan kala soconnaa Taliyeyaasha loo magacaabay 4ta Talis ee cusub ee lagu soo kordhiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  1. Taliyaha Ciidanka Gaarka ah: waxaa loo magacaabay sarkaal la dhoho Sarreeye Guuto Axmed Cabdullaahi Sheekh oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, hore na muddo ku noolaa dalka Sweden, waxaana ay qaraabo dhow yihiin Janaraal Asad Diyaano oo ah Guddoomiyaha Xisbi siyaadeedka Mideeye ee Puntland. Waxa uu hore uga tirsanaa Ciidanka PSF ee uu Maraykanku tababaray isaga oo u qaabbilsanaa magaalada Gaalkacayo.

Axmed Cabdullaahi Sheekh wuxuu sidoo kale soo noqday Madixii Baratakoolka ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isaga oo mar danbe laga dhigay Taliyihii Ciidanka Danab.

Sidoo kale, markii uu talada kusoo laabtay Xasan Sheekh Maxamuud waxa Janaraal Axmed ka mid ahaa saraakiishii loo xilsaaray qoridda iyo diyaarinta Ciidanka Imaraadku tababaray.

  1. Taliska Sahanka iyo Wardoonka: Waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo ah sarkaal hore uga tirsanaan jirey urur diimeedka Ahlu Sunna, waxa uuna deegaan ahaan ka soo jeedaa Dhuusamareeb, Galmudug. Waxaa xilligii uu talada joogey Madaxweyne Farmaajo loo magacaabay sarkaalkan Taliyaha Ciidanka Dahab, balse waxaa laga qaaday markii Madaxweyne Xasan dib loo doortay, iyada oo loo wareejiyey Taliyaha Hoggaanka Sahanka iyo Wardoonka, hoggaankan ayaa isaga oo weli haya waxaa hadda laga dhigay Talis Cusub.

Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Beeryare, waxaa lagu sheegaa nin xiriir fiican la leh dowladda Maraykan oo tababarta Ciidanka Danab oo uu mar soo xukumay, waxaana ay xogo sheegayaan in uu yahay sarkaalka dowladda Maraykanka u dusiyey fadeexaddii lunsiga sahaydii iyo taakulada Ciidanka Danab.

  1. Taliska Tababarrada: Waxaa loo magacaabaY Gaashaanle Dhexe Axmed Ciise Axmed oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Awdal. Waxa uu uu markii hore ka tirsanaan jirey Ciidaanka Millateriga Maamulka Somaliland, isaga taliskoodu dalka Itoobiye ugu diray Tabbarro iyo waxbarasho sare oo uu heerka labaad ee jaamacadda ku diyaariyey culuumta ciidanka.

Xilligii Madaxweyne Farmaajo ayuu Somaliland ka soo goostay, ka dib markii uu tabashooyin ka tirsaday Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Taani. Dadka yaqaanna waxa ay ku sifeeyeen sarkaal aqoon sare leh oo daacad ah.

  1. Taliska Taakulada Guud: waxa loo magacabaay Gaashaanle Dhexe Ibrahim Maxamed Maxamuud. Waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa magaalada Jawhar. Waxa uu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soon qabtay xilal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Hoggaanka Maaliyadda ee Ciidanka iyo xilal kale.
Saakiisha loo magacabaay 4-Ta Talis Ee Lagu Soo Biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!