MAXAY TAHAY SABABTA AY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDU UGA SAARTAY QORAALKII WADAHADALLADA ITOOBIYA?

0
MAXAY TAHAY SABABTA AY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDU UGA SAARTAY QORAALKII WADAHADALLADA ITOOBIYA?
MAXAY TAHAY SABABTA AY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDU UGA SAARTAY QORAALKII WADAHADALLADA ITOOBIYA?

(Muqdisho, Isbahaysi) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bareheeda warbaahinta bulshada ka saartay qoraal ay baahiyeen saacad ka hor kaas oo ku saabsanaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dalka Turkiga ugu kicitimeen wadahadal Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmaya magaalada Ankara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u diidday wadahadallo ay la gasho Itoobiya, iyada oo shuruud uga dhigtay in marka hore Itoobiya ka laabato Is-afgarafkii sharcidarrada ahaa ay la gashay maamulka Somaliland.

Wadahallada hadda Ankara ka furmaya ayaan la ogayn waxa ay shuruuddaas uga tanaasushay Soomaaliya, iyada la ogyahay in Itoobiya weli ku adkaysanayso go’aankeedii ku xad gudubka midnimada dalka, lana hadal hayo inay dhowaan is-afgaradkii badda u rogayso heshiis rasmi ah oo ay la gasho Somaliland.

Xogta safarka Ankara ee Wasaaraddu baahisay ayaan la ogayn sababta ka danbaysa in laga saaro baraha warbaahinta bulshada ee Wasaaradda, iyada oo sidoo kale dhanka kale ee Itoobiya aanu jirin wax war ah oo ay ka soo saareen Wadahadallada Ankara.