MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO MAS’UULIYIIN SARE KU WEYDEY EEDEYMO MUSUQMAASUQA.

0

Muqdisho (ISBAHAYSI) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah go’aan rasmi ah ka soo saartay go’aannada dacwadii loo haystay mas’uuliyiinta sare oo ka kooban Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Tariikhda Bariga. Mas’uuliyiinta waxaa kamid ah agaasimayaasha hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), iyo sidoo kale agaasimihii hore ee Tariyada Bariga, Mudane Muxudiin Xasan Jurus (Saabey).

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dhammaan mas’uuliyiinta lagu waayay eedeymihii ay u baahnaayeen ee loo soo jeediyay. Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), oo aad ka maqan, ayaa si rasmi ah loogu calaamadeeyay wax dambi ah lahayn. Sidoo kale, Mudane Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), oo isna maqane ah, ayaa maxkamaddu go’aamisay in uu yahay mid aan dambi lahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Dabaan, ayaa sidoo kale kale faray hay’adaha ay mas’uuliyiintani kayeen in ay dib u soo celiyaan xuquuqdooda sharci, maadaama lagu waayay dhammaan eemihii loo soo jeediyay.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay maxkamadu dhageysatay caddeymo iyo dhowr ah oo lagu daray in mas’uuliyiinta aysan wax dambi ah lahayn, taasoo keentay in si rasmi ah loogu fasaxo eedeymaha loo soo jeediyay.