Muqdisho (Isbahaysi) – War ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay gacanta ku soo dhigtay xubno ganacsto ah kuwaas oo u hoggaansamay awaamiirta ay kooxaha argagixisada ahi baadda uga qaadayaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay ku dabojiraan xubno kale oo lagu tuhunsan yahay inay baad u oggolaadeen kooxaha argagixisada ah, iyada oo Hay’addaha Amniga ee DFS horey awaamiir adadag uga soo saareen la macaamilka iyo xiriirka dhammaan Kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambayn, NISA ayaa uga digtay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed la macaamilka kooxaha argagixisada ah iyo u dhego nuglaanshaha awaamiirtooda ku aaddan xoolaha baadda ah ee ay Kooxuhu ka qaadaan ganacsatada taas oo dib loogu adeegsado gumaadka shacabka Soomaaliyeed.
Dhammaad