PUNTLAND OO DEEGAANNADEEDA KA MACNUUCDAY BACAHA SI LOO ILAALIYO DEEGAANKA

0
PUNTLAND OO DEEGAANNADEEDA KA MACNUUCDAY BACAHA SI LOO ILAALIYO DEEGAANKA
PUNTLAND OO DEEGAANNADEEDA KA MACNUUCDAY BACAHA SI LOO ILAALIYO DEEGAANKA

Garoowe (Isbahaysi) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Deegaanka Adduunka, ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax Bac ah laga soo dejin karin Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale tilmaamay in bacaha sida kootarabaanka ah laagu soo geliyo deegaannada Puntland laga hortago, isla markaasna tallaabo adag laga qaado, waxaana go’aanki ku soo aadaya iyada oo marar badan oo la macnuucay bacaha aanay dhaqan gal noqon.

Bacaha ayaa la ogyahay inay leeyihiin saameyn aad u xun oo deegaanka ah, iyaga oo dhibaato weyn ku haya bay’adda, nooleyaasha badda, xoolaha iyo guud ahaan nolosha dabiiciga ah. Waxay qaadataa boqolaal sano in bacahaasi ay baaba’aan, taas oo keenta inay muddo dheer ay sii waarto waxyeelladeeda, waxaana haddii uu go’aankani dhaqan galo uu noqon doonaa mid wax weyn ka tara badbaadada deegaanka iyo nooleyaashaba.

Dhammaad