Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan adkaysi iyo dhaqan suubban oo soo jireen ah, Soomaalinimaduna ay aad ugu weyn tahay. Oraahda oranaysa “Marka danta guud laga hormariyo danta/hamminga shaqsiga ah, ayaan gaari karnaa Soomaalinimo iyo Qaranimo Suubban” waxay ka tarjumaysaa dareen qoto-dheer oo aasaas u ah in Soomaaliya mar kale gaarto Qaranimo suubban.
Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkaan danbe, Soomaaliya waxay wajehaysay habacsnaan ku timid Qaranimadeedii oo inta badan ay sabab u ahaayeen dagaallo sokeeye oo jiitamay iyo kala qaybsanaan siyaasadeed kuwaas oo sababay dhibaatooyin bani’aadamnimo, Soomaaliyana ka dhigay mid u nugul faragelinta gurracan ee shisheeyaha. Ayadoo ay taasi jirto, haddana dadka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo adkaysi dheeraad ah. Haddaba, si mar kale loo xaqiijiyo Qaranimo suubban iyo midnimo ummadeed, ayadoo weli dalku ku jiro marxalladdaas adag, waxay u baahan tahay in la hirgeliyo dareen ummadeed oo danta Qaranka ka hor mariya danta iyo hammiga shaqsiga ah ee siyaasiga, meeshana ka saaraya qabyaaladda, siyaasaddaha gurracan, iyo gobolaysiga Ummaddii Soomaaliyeed kala qaybiyey.
Sooyaalka taariikhda Soomaalida, laga soo bilaabo xilligii gumaysiga ka hor iyo caqabadihii ka dhashay saamayntii gumaysigaba, waxay na tusaysaa in xoogag kala duwan oo isugu jira shisheeye iyo horgalayaal gudaha kala shaqaynayey xoogagga shisheeyaha isku dayeen in la dhalan-rogo Soomalinimada. Balse Soomaalida oo ku tiirsanayd diinteeda xaniifada ah iyo dhaqankeeda suubban dhalasho-wadaag ku salaysan, kaasoo u sahlay inay yeelato hab-maamul ayada u gaara iyo astaan ay isku aqoonsadaan Soomaali ahaan, ayaa xoogaggaas u diiday gumaysiga inay dareen ahaan qaybiyaan Ummadda Soomaaliyeed, si kastaba ha ahaatee, waxaa gumaystaha iyo cawaankiisu ku guulaysteen inay xadduudo macmal ah dhex dhigaan Ummadda Soomaaliyeed, xudduudahaas oo mararka qaarkood hakad geliyey wada noolaanshihii iyo hab-dhaqan-dhaqaalihii iyo hab-dhaqan-bulshadii Ummadda iyo isu socodkeeddiiba.
Ka dib, dib-u-hanashadii gobanimada ee 1960kii, Soomaaliya waxay u dhaqaaqday dhanka midnimada balse nasiib-darro, waxay muddo yar ka gadaal wajahday xaalad qallafsan oo ay gashay dagaallo sokeeye oo dadkii Soomaaliyeed kala irdheeyey, kaasoo abuuray xasilooni darro siyaasadeed, hubanti la’aan baahsan, khatarna geliyey wada-jirkii Ummadda Soomaaliyeed. In kasta oo dib-u-heshiin ay hirgeshay, ka gadaal isku dayo fara badan oo ay dadk Soomaaliyeed isugu yimaadeen meela kala duwan, haddana weli lama gaarin in Soomaaliya ay si dhab ah dib ugu hanato Qaranimao suubban oo si hufan ugu adeegta shacabkeeda, taas oo, si loo gaaro, u baahan in hoggaanka dalka iyo shacabkuba ay danta dalka iyo dadka ka hor mariyaan dantooda khaaska ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa marag ma doonta ah in caqabadda ugu weyn ee hortaagan in la helo Qaranimo suubban iyo Ummad Soomaaliyeed oo isku dareen ah ay tahay in, inta badan, dantii shaqsiga ahayd, tii qabiilka ama tii kooxda laga hormariyey tii guud ee Qaranka iyo Ummadda. Markii ay madaxda dalku dantoodii gaarka ahayd ama tii qabiilkooda ka hormariyeen tii Qaranka, ayaa waxaa gaasiray dantii guud, sidaas awgeed, inta ay maqan tahay aragti ku salaysan Qaranimo iyo Ummadnimo, hab-maamulka Soomaaliya iyo hay’adaheeduba waxay u nuglaan doonaan musuq-maasuqa, iyo faragelinta gurracan ee shisheeyaha, kuwaasoo ayaguna cimri-dherer u noqonaya degganaansha la’aanta, dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo nabadgelyo xumada. Waa xaqiiq in dadka Soomaaliyeed, ay dhaqan ahaan, siday isu xigaan, isugu tiirsan yihiin, kamana soo horjeedo in sidaas laysu kaalmaysto, laakiinse, marka isku tiirsanaanta qoys ahaaneed ay keento inay dayacanto dantii guud, waxay mar kale dhiirigelinaysaa cawaaqib xumadii aan ka dhaxallay dagaaladii sokeeye. Sidaas awgeed, madaxda Soomaalida, heer kasta oo ay yihiin, mid siyaasadeed, dhaqan, aqoon-yahan iyo bulshaba, waa inay danta guud ka hor mariyaan danta gaarka ah, si aan dabinkaas mar kale loogu dhicin. Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah inaan hello halbeeg aan qaraabanimada ku ilaalinno, Qaranimo suubbanna ku dhisanno, muddnaanta koowaadna siiya Qaranimada, sababtoo ah, haddii aan Qaranimo suubban dhisanno, qaraabo fiicanna waan helaynaa, haddiise aan qaraabanimada ka hor marinno Qaranimada, labadaba waa seegaynaa, sidii aan horeyba usoo aragnay. Waxaa arintaas tusaale kuugu filan dhacdooyinkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii sokeeye. Tusaale: Laba wiil oo isku hooyo ah, bale kasoo kala jeeday laba beelood oo kala duwan ayaa hal meel ah labadooddii midna ku dhintay, kii kalana ku dhaawacmay ayagoo iska soo horjeeda. Tani waa hal tusaale, ee waxaa jira kuwa badan oo intaas ka xanuun badan oo ay keentay markii aan qaraabanimadii ka hor marinnay Qaranimada. Haddaba, si aan u gaarro Qaranimo suubban waa inaan helnaa halbeeg sax ah oo lagu dheelitiro Qaranimada iyo qaraabanimada, kaasoo jacaylka Qaranimada ka hormarinaya kan qaraabanimada.
Haddaba, si loo kobciyo Soomaaminimada iyo midnimada Ummadda, danta Qarankana looga hormariyo tan qofka, qoyska ama kooxda, waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed ay la yimaadaan is-bedelada soo socda, kuwaas oo gaarsiin kara in la hello dowlad wanaag, adeeg dadweyne oo hufan iyo walaalnimo ummadeed.
- Dowladnimo daah-furan oo wada-ogol ah: Siyaasad wada-ogol ah, oo ku dhisan mabaadii Qaranimo oo la heshiiyey, laguna midaysan yahay, iyo habraacyo siyaasadeed oo wada-ogol ah waa buundada koowaad ee fure u noqon karta midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee kala irdhaysan iyo Qaranimo taabba gasha. Si loo gaaro himiladaan Qaran, waa in la helaa hoggaan siyaasadeed oo si daah-furan, caddaalad ah, isla-xisaabtanna leh u dhisa aasaaskaan, danta guudna ka hormarinaya hammigiisa siyaasadeed si uu tusaale ugu noqdo Ummadda inteeda kale. Sida taariikhdu na barayso, marka ay Ummadda Soomaaliyeed arkaan madaxdooda oo danta guud ka hor marinaya hammigooda siyaasadeed, waxaa xoogaysta aaminaadda ay ummaddu dowladdooda iyo madaxdooda ku qabaan, waxaanna abuurmaya dareen Qaranimo iyo mid Soomaalinimo, waxaana yaraada kala qaybsanaanta bulshada dhexdeeda.
- Hirgelinta waxbarasho madani ah oo Soomaaliyeysan: Dagaalda sokeeye oo maxkaxda dadka Soomaaliyeed, intooda badan, ku yeeshay saameyn gurracan, waxaa xaqiiq ah in ay waqti qaadanayso in la helo bulsho 100% ka fiyow cudurka dilaaga ah ee qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, si kastaba ha ahaatee, si loo abuuro dareen ummadnimo, waxaa lagama maarmaan ah in la hirgeliyo nidaam waxbarsho oo tayo leh, kaasoo ay qayb weyn ka tahay waxbarashada madaniga ah oo xoogga saaraysa waajibaadka qofka shaqsiga ah ka saaran dalkiisa iyo dadkiisa iyo xaquuqda uu shaqsi ahaan leeyahay, korna u qaadaya qabka qofka Soomaaliga. Waxbarsahada maddaniga ahi waa aasaasiyaadka kobcin kara jiil cusub oo Soomaaliyeed oo ay la weyn tahay Soomaalinimadu iyo Qaranimada. Nidaamka waxbarashada dalka iyo xarumihiisa kala duwani – mid dowli ah iyo mid gaar loo leeyahayba – waa inay, sidaas awgeed, ardayda baraan taariikhda iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo hoggaaminta toosan ee heer bulsho, gobol iyo Qaranba. Marka ay shacabka Soomaaliyeed helaan waxbarasho kor u qaadda wacyigooda waddaninimo iyo fahankooda ku aaddan ahmiyadda ay leedahay midnimada Ummaddu ayaa la rajayn karaa in la helo Ummad danta guud ka hormarisa dantooda gaarka iyo hammigooda siyaasadeedba.
- Dhiirigelinta hoggaaminta nafhurnimada iyo halyeynimada Qaranimo: si loo dhiiri geliyo in la helo madax u darban danta guud, waxaa lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga ahi hab-maamuus sugan u ballan qaado madaxda Qaranka (gaar ahaan Madaxweynayaasha iyo Raysal-Wasaarayaasha) iyo shacabka naftooda u hura Qaranimada iyo u adeegidda danta guud. Arrintaani waxay gogol-xaar u noqonaysaa in uu meesha ka baxo walaaca nolosha ee soo wajaha madaxda dalka (Madaxweynaha iyo Raysal-Wasaarayaashsa) ee ku aaddan “siday noloshooda u maarayn doonaan xilka kadib”. Waxaa laga yaabaa in dadka Soomaaliyeed aysan weli ku baraarugsanayn ahmiyadda ay arintaani leedahay, laakiin waxaa la oran karaa in walaaca nolosha ee soo wajaha madaxda saree e dalka inta ayba weli xukunka jogaan la oran kare wuxuu sabab u yahay musuqa ay madaxda qaarkood ku kacaan inta ay xafiiska joogaan. Sidaas awgeed in si dastuuri ah loo walaac-tiro madaxda sare fure u noqon kartaa in xal loo helo musuqa baahsan ee ay madaxda saree e dalku ararka qaarkood si xishood la’aan ah ugu dhiiradaan inta ay xukunka joogaan, waxayna, sidoo kale, xarriiq sharci ah oo aan la dhaafi karin u noqonaysaa hoggaamiyeyaasha aan waxba deeqin.sidaas si le’eg, maamuusidda dadka waxgalka u ah bulshada waxay abuuraysaa midnimo ummadeed iyo taariikh la wada leeyahay.
- Awoodeynta bulshada rayidka ah iyo hal-abuurka bulshada: Bulshada rayidka ah, sida culumada, xirfadayaasha kala duwan, ururada haweenka, dhallinyarada iwm waxay door muhiim ah ku leeyihiin dib-u-dhiska Qaranka maadaama ay si toos ah uga warqabaan tabashooyinka heer bulsho, ayna ka qayb qaadan karaan wax ka qabashadooda.Sidaas awgeed, awoodeynta Ururada Bulshada Rayidka ahi waa buundo kale oo muhiim u ah isku xirka shacabka iyo dowladda, waxayna ka qayb qaadan karaan xallinta qulquladaha; dhiir-gelinta midnimda iyo wada-jirka bulshada heerarkeeda kala duwan – degmo iyo gobol. Sidaas awgeed, awoodeynta Ururada Bulshada Rayidka waxay caawin kartaa dhisidda aasaas xoog badan oo ay yeelato Qaranimada iyo midnimo ku salaysan dareen isku mid ah iyo is-kaalmaysi ummadeed.
Fulinta qodobadaan kor kuxusan, iyo dabcan kuwa kale ee u dhigma ahmiyad ahaanba, waxay sabab u noqon karaan isbedel dhab ah oo dhinacya badan leh oo ay Ummadda Soomaaliyeed, sida in la helo:
- Degganaansho Siyaasadeed: Dowlad Soomaaliyeed oo uu hoggaanka u hayo shaqsi daryeelka danta guud ka hormariya dantiisa gaarka ah, diiraddana ku haya midnimda Ummadda, xalna u heli kara qulquladaha u dhexeeya gobolada iyo bulshada.
- Wadajirka Ummadda iyo Adkaysiga Bulsho: Waxaa xoogaysan is-aaminka ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda, ayadoo aan loo eegaynin, degaan, jinsi, xaalad dhaqaale iwm, waxaana dhalan karta dowlad Soomaalinimo fursadaheeda loo siman yahay. Dareenka ka dhasha wadajirka bulshada ayaa keena in xilliyada adag ee musuubooyinka dabiiciga ama kuwa dad-samayga ahi dhacaan inuu abuurmo adkaysi, isku-tiirsanaan iyo isku-tashi ummadeed, kuwaasoo bulshada gayeysiiya inay is-caawiyaan, si wad-jir ahna uga gudbaan, ugana kabtaan musoobooyinka soo wajahay.
- Horumar dhaqaale oo loo siman yahay: ka dib marka la gaaro horumar dhaqaale oo loo siman yahay iyo is-aamin waxay Ummadda gayeysiinaysaa inay gaarto horumar dheelitiran, maalgelin goboleed oo ahmiyadda siinaysa kor usoo qaadidda gobolada dhaqaale ahaan hooseeya si ay kuwa kale usoo gaaraan. Sidaas awgeed marka dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ay dareemaan inay si siman u wada hormarayaan, waxaa ka dhalanaysa horumar dhaqaale oo waari kara. Sidoo kale siyaasadda dhaqaale ee ku salaysan wadaagga iyo sinnaanta waxay abuuraysaa fursado shaqo, waxayna yaraynaysaa saboolnimada, taasoo dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-istaagi karta in loo isticmaalo falalka xun-xun, sida argagixisada, iyo burcadnimada.
- Yaraynta Faragelinta Gurracan ee Shisheeyaha: ka dib marka la helo Soomaali midaysan, xoog leh, ujeedooyin Qaran oo cad cadna leh waxay sabab u noqonaysaa in dadkeennu uu si xirfadaysan u maareeyo faragelinta gurracan ee shisheeyaha, wada jirna u difaacdaan Qaranimadooda, suuragalna uma noqonayso in shisheeyuhu ay si gurracan usoo faragelyaan arrimahooda gudaha, si ay u kala qaybiyaan bulshada Soomaaliyeed ama ay saamayn ugu yeeshaan siyaasadda Qaranka si ay dantooda uga fushadaan.
Gebagebadii, si loo gaaro Qaranimo suubban iyo midnimo waa in la hirgeliyaa dhaqan dal jacayl oo ka sarreeya dhaqanka dan-jacaylka ama hammi jacaylka. Arintaani waxay u baahan tahay dedaal wadajir ah oo ka yimaada hoggaanka dalka iyo dhacabkaba kaas oo ahmiyadda koowaad siinaya danta guud ee bulshada, isla markaasna garwaaqsan in hammiga qofka shaqsiga ah iyo awood raadintiisu ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya maanta ka hortaagan inay hesho Qaranimo suubban iyo mindimo Ummadeed. Sidaas awgeed, haddii Ummadda Soomaaliyeed Alle ku gallado inay tallaabooyibkaas ku dhaqaaqdo, waxay dib-u-cusboonaysiin kartaa Soomaalinimadeedii iyo Qaranimadeediiba ayadoo midaysan, hal dowladna leh, caqiidaysanna in dantooda-wadjirka ahi ay ku jirto in danta guud laga hormariyo gaarista danta iyo hammiga gaarka ah – Qaranimo shacabkeedu u taagan yahay jacalka danta guud ee Ummadda guud ahaan, kana soo horjeedda danaysiga iyo hammiga qofka shaqsiga ah cidna ma cayn-wareejin karto.
____________
Qore: Mudane, Balal Maxamed Cusman; Wassiru-Dowihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Email: [email protected]; skype: bcusman1