Thursday, September 19, 2024
26.9 C
Mogadishu

SAFARKA XAMSE EE CIRAAQ: UJEEDDOOYIN GANACSI IYO XIRIIRKA IIRAAN

(Muqdisho, Isbahaysi) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray dalka Ciraaq. Safarka Xamse oo ujeeddadiisa ay xogo kala duwan ka soo baxayaan, waxaa ku weheliya xubno ka tirsan xukuumaddiisa iyo Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Sanboolshe.

Xogaha ku gadaaman safarka Xamse ayaa sheegaya inuu safarkani daarran yahay arrimo ganacsi oo ku saabsan shidaalka, iyada oo halkaas lagu la kulmayo ganacsato kala duwan oo kala dillaala arrimaha shidaalka, waxaana horey dalka u yimi xubno ganacsato iyo dillaaliin arrimaha shidaalka ah oo ka socda dalka Ciraaq.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed ayaa 5-tii bisha Juun ee sannadkan Muqdisho ku qaabbiley Cabdul Haaddi Al-xasnaani oo ah masuul Ciraaqi ah, kaas oo uu wasiirku ku tilmaamay inuu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Ciraaq, balse baaris ay Warbaahinta Isbahaysi samaysay waxa aannu ku oggaannay in xubintan Baarlamaanku aanu ku jirin Guddoonka Baarlaamanka Dalka Ciraaq.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Xil. Cabdirisaaq Maxamed
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Xil. Cabdirisaaq Maxamed

Al-xasnaani oo hore u ahaan jirey Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Shidaalka ee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa hadda ah ganacsade iyo dillaal arrimaha shidaalka ku lug leh, waxa uuna safarkiisa Muqdisho daarranaa arrimo ganacsi oo la xiriira shidaalka. Waxa ilaa hadda la ogayn sababta ku kaliftay Wasiirka Batroolka Soomaaliya in uu marin habaabiyo xogta iyo mas’uuliyadda xildhibaankan ka ganacsada arrimaha shidaalka.

Sidoo kale, ujeedka labaad ee safarka Xamse ayaa la sheegay inuu daarran yahay sidii loo soo celin lahaa xiriirka dalka Iiran oo ay wakiil ka tahay dowladda Ciraaq. Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo jaray xiriirka diblomaasiyadda dalka Iiran, iyada oo aan xusuusan nahay in Sucuuudigu waagaas lacago ku bixiyey sidii Soomaaliya u jari lahayd xiriirka Iiraan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqata inay waddo dadaallo ay ku soo celinayso xiriirkii Iiraan, iyada oo dhowaan dowladda Federaalku tacsi ku saabsan geerida Madaxweynaha Iiraan u dirtay dalkaas, lana amray safiirrada u jooga Soomaaliya dalalka calaamka inay tacsi u tagaan safaaradaha ay Iiraan ku leedahay dalalkaas.

Xamse ayaa noqonaya Ra’iisul Wasaarihii u horreeyey oo booqasho ku taga dalka Ciraaq tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, iyada oo dalka Ciraaq u weli la liicliicayo dhibaatooyinkii ka soo gaaray burburka dowladda dalkaas sannadkii 2003-dii.

SAFARKA XAMSE EE CIRAAQ: UJEEDDOOYIN GANACSI IYO XIRIIRKA IIRAAN

SAFARKA XAMSE EE CIRAAQ: UJEEDDOOYIN GANACSI IYO XIRIIRKA IIRAAN

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
26.9 ° C
26.9 °
26.9 °
77 %
7kmh
39 %
Thu
27 °
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
27 °
Mon
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!