Muqdisho (Isbahaysi) – Agaasinka iyo dhammaan bahda Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi ayaa mahadnaq u diray Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolojiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha ee Puntland, kaddib markii Wasaaraddu ay aqoonsi iyo shati siisay shabakadda Isbahaysi oo ah hay’ad warbaahin oo madax-bannaan.
Agaasimaha Shabakadda Mudane Maxamed Axmed Ilkaacase ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi, waxaan Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolojiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha ee Puntland, uga mahad celinaynaa aqoonsiga iyo shati siinta Shabakaddeenna Isbahaysi oo ah hay’ad warbaahin oo madax-bannaan.”
Agaasimaha ayaa intaas ku daray inay Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi ay sii wadi doonto xiriirka iyo wadashaqaynta ay la leedahay Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed ee madax bannaan.