Thursday, September 19, 2024
25.4 C
Mogadishu

SHABAKADDA WARBAAHINTA ISBAHAYSI WAXAY CAMBAAREYNEYSAA CADAADISKA DOWLADDA SOOMAALIYEED AY KU HAYSO XORRIYADDA SAXAAFADDA

Juun 03, 2024

Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi waxay codkeeda ku biirinaysaa Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka hadlay tacaddiyada iyo xadgudubyada ka dhan ah Warbaahinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula kacayso Warbaahinta, Tacaddiyadaasi oo ay ka mid yihiin cunaqabatayn dhanka xogta ah iyo cadaadis joogto ah oo la saarayo warbaahinta madaxbannaan.

Warbaahintu waxay xaq u leedahay in ay si xor ah oo aan cabsi lahayn u gudato waajibaadkeeda warbaahineed, sida ku cad qodobbada 18-aad iyo 22-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi waxay ka walaacsan tahay in warbaahinta lagu hayo cunagabatayn aan caadi ahayn iyo kala ququb bahda Warbaahinta, taas oo si gaar ah u saameynaysa xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda.

Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi waxay ugu baaqaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ixtiraamto dastuurka dalka, gaar ahaan qodobada la xiriira xorriyadda hadalka, dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida warbaahinta.

Waxaa naga go’an inaan difaacno xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, si shacabka soomaaliyeed ay u helaan warar xaqiiqo ah oo dheelitiran.

Dhammaad

Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi

Shabakadda warbaahinta Isbahaysi waxay cambaareyneysaa cadaadiska dowladda soomaaliyeed ay ku hayso xorriyadda saxaafadda

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!