SOOMAALIYA IYO GOLAHA AMMAANKA

0

(ISBAHAYSI) Soomaaliya ayaa markii labaad tan iyo sannadkii 1972-dii xubin ka noqonaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah madasha ugu weyn ee lagu gorfeeyo amniga iyo nabad-gelyada caalamka.

  1. Golaha Ammaanka waxa uu ku dhisan yahay sharciyadda Qaramada Midoobey, gaar ahaan faqradaha 24, 25, 28 iyo 32 oo qeexaya in go’aammada Golahan ay yihiin kuwo meel mar ah, go’aammadaas oo noqon kara kuwa milatari, dhaqaale iyo siyaasadeed.
  2. Soomaaliya oo kursiga ku fariisan doonta sannadka 2025 ilaa 2026 ayaa bilowday dadaalka diblumaasiyadeed ee ay ku doonayso muddo xileedkii dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faarmaajo.
  3. Dhamaadkii 2018 ayuu wakiilka Soomaaliya ee qaramada midoobay Ambassador Abuukar Baalle xareeyay codsiga Soomaaliya ee raadinta kursigan, wuxuuna ka mid ahaa malafyadii uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
  4. Taageerada Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Afrika ee codsiga Soomaaliya ayaa fududaysay xubinnimadan, waxayna Soomaaliya ka mid noqonaysaa 3-da Xubnood ee Golaha ku matala Afrika, kuwaas oo hagaya nabadda, xasilloonida iyo amniga qaaradda.
  5. Soomaaliya ayaa sanadkii 1971-1972 oo ay Golahan xubin ka ahayd waxay ka qayb qaadatay go’aammo saamayn ku yeeshay ammaanka dunida iyo xuduudaha dalal ay ka mid yihiin;

Koonfur Afrika
Portugal
Namibia
Cyprus
Israel