Saaka hiirtii waaberi ayay xoogagga xoraynta Shaam gudaha u galeen caasimadda Dimishiq, iyagoon iska caabbin la sheegi karko kala kulmin ciidamada daacadda u ahaa Bashaar Al-Asad.
Hoggaamiyaha kacdoonkan Axmed Al-Sharac (Abuu Maxamed Al Jowlani) ayaa ku dhawaaqay in rajiimkii Reer Asad oo Suuriya ka talinayay in ka badan 50 sano uu dhacay, wuxuuna kula dardaarmay in dhammaan kooxaha mucaaradka ee galay gudaha magaalada Dimishiq in ay gabi ahaanba ka fogaadaan in ay u dhowaadaan xarumaha dowladda, oo sii ahaan doona goobo dadka looga adeego, waxaana shaqada sii wadi doona Ra’iisul wasaarihii hore ilaa inta si rasmi ah looga wareejinayo awoodda, wuxuuna mamnuucay in rasaas kor loo rido si aysan khalkhal hor leh u abuurin.
Axmed Al-Sharac ayaa ballan qaaday ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badanyahay ee Duruusta, Masiixiyiinta, Shiicada iyo xataa dadkii u shaqayn jiray nidaamkii reer Asad ee 53 sano ka talinayay dalkaasi.
Waxaan weli la xaqiijin meesha uu u cararay Bashaar Al-Asad laakiin Warbaahinta Axios ayaa ku warrantay inuu ku suganyahay saldhigga ciidanka Ruushka ee Xamimim oo ku yaalla koonfur Bari Suuriya, wuxuuna isu diyaarin inuu u cararo Moscow oo maalmo ka hor uu qoyskiisa geeyay.