WADAHADALLADA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA: UJEEDKA WADAHADALLADU MA CADDA, RAJADA XALKUNA WAA HOOSAYSAA

0
WADAHADALLADA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA: UJEEDKA WADAHADALLADU MA CADDA, RAJADA XALKUNA WAA HOOSAYSAA
WADAHADALLADA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA: UJEEDKA WADAHADALLADU MA CADDA, RAJADA XALKUNA WAA HOOSAYSAA

Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga shir uga furmay dalalka Soomaaliya iyo Itbooya, shirkaas oo uu dhexdhexaadiye ka ahaa dalka Turkigu, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii miiska wadahadalka la isugu keeni lahaa labada dalka oo xiriirkooda diblomaasiyadeed uu xumaa waayahan, ka dib markii dowladda Itoobiya ay maamulka Somaliland oo qayb ka ah Soomaaliya la gashay is-garadka meel-ka-dhac ku ah madaxbannaadida iyo siyaadada Soomaaliya.

Shirka oo aanay natiijo la taaban karo ka soo bixin ayaa warmurtiyeed wadajir ah oo ay soo wada saareen dhinacyadu waxa lagu sheegay in lagu heshiiyeen in wadahalladu sii socdaan, is aragga labaadna lagu kulmo magaalada Ankara, 2-da bisha Sebtember 2024.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ay garab joogaan dhiggiisa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay mustaqbalka wadahalladan rajo weyn ka qabaan marka la eego meesha maanta ay marayaan.

Dhanka Soomaaliya, wasaaradda Arrimaha ayaa xaqiijisay in wadahadallada aad loogu kala aragti duwanaa, dhankoodana ay miiska soo saareen in Itoobiya ay ka laabato is-afgaradkii sharci darrada ahaa, iyada oo xustay in shirku ahaa mid labada wafdi loo kala dabqaadayey ee aanay foolka fool isu horfariisan.

Waxa jira qorshe ay Itoobiya ku martiqaadday Madaxweynaha Maamulka Somaliland, 5-ta Bishan Luulyo, si Is-afgaradkii sharcidarrada ahaa loogu rogo heshiis. Haddii ay taasi dhacdo waxay wiiqaysaa wadahadallada loo ballamay in mar labaad la isugu yimaaddo Turkiga.

“Soomaaliya waxay debecsanaan ka muujisay mowqifkeedii hore ee ahaa in aanay Itoobiya wada hadal la gelayn ilaa ay ka laabato is-afgaradkii, balse debecsanaantaasi ilaa iyo hadda uma muuqato mid horay wax u wadaysa. Ma sugayo in wadahadalLadan ay natiijo kasoo bixi doonto” ayuu yiri hawl-wadeen ka tirsan wakaaladda Wararka ee Reuters

Isbahaysi ayaa ogaatay in wafdiga dowladda Itoobiya metelayey ee Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ay xilli hore tageen Ankara oo ay uga sii hormareen wafdiga Soomaaliya, iyaga oo olole xooggan oo ay qaddiyaddooda ku gadayaan ka sii galay halkaas.

Dhanka kale, sida ay xoguhu tibaaxayaan Dowladda Turkiga ayaa dadaal xoogleh ugu jirta in wadahadalladan uu ka soo boxo is-afgarad, kaas oo haddii Itoobiya deked ganacsi loo oggolaado ay naawilayaan inay maamulaan qandaraasyada waawayn ee lagu dhisayo dekedaha, waddooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalahe ee kale. Warbaahinta Turkiga ayaan si faahfaahsan uga hadlin wadahadalladan.

Ugu dambayn, Itoobiya ayaa dadaal ku bixinaysa inay deked ka hesho biyaha Soomaaliyeed, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Faransiisku ay Itoobiya u ballanqaadday inay bixinayso dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashaariicda waawayn ee Itoobiya ka damacsan tahay dekeddaha.