Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA OO SHIRKAD GAAR LOO LEEYAHAY KU WAREEJISAY TASDIIQA DOCUMENTS-KA DOWLADDA.

Muqdisho, (Isbahaysi): Shabakadda Isbahaysi ayaa ogaatay in Shirkad gaar ah lagu wareejiyay tasdiiqinta documiintiyada ay u baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka.

Tasdiiqinta ama xaqiijinta dukumiintiyada oo ka mid ah shaqooyinka ugu badan ee dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatadu ay uga baahdaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qiimaheeda aad loo kordhiyey kaddib markii lagu wareejiyey Shirkad ay saami wadaag ku yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shirkad loogu magac daray TASDIIQ DOCUMENTS AUTHENTICATION SOLUTIONS ayaa lagu wareejiyey shaqadii Waaxda Qunsuliyadaha oo u xilsaarnayd caddeynta iyo ansixinta heshiisyada ganacsiga, guurka, furriinka, shahaadooyinka waxbarashada, shatiyada iyo caddeymaha sharciga ah.

Warqad lacag qabasho ah oo ay Isbahaysi aragtay ayaa muujinaysa in la kodhiyey wax ka badan 100% khidmadihii hore, tusaale ahaan, warqadihii lagu tasdiiqin jiray 20-ka doolar haatan waxaa la qaadayaa 45 Dollars, taas oo ay qebsanayaan shirkadda iyo saamileyda.

Sababta ugu wayan ee loo dedejiyey qandaraaskan ayaa ah in la dhaqan geliyo ka hor furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka si aysan su’aalo uga keenin  gudiyada ku shaqada leh meel marinta arrintan.

Qiimihii hore iyo qiimaha cusub

  • Dhaladhada: 20 Doolar. Waxaa laga dhigay 45 Doolar
  • Wakaaladaha dibadda: 20 Doolar Waxaa laga dhigay 70 Doolar.
  • Waraaqaha degmooyinka: 20 Doolar. Waxaa laga dhigay 45 Doolar.

Khatarta ka dhalankarta qandaraaskan cusub.

1.        xogta muwaadiniinta oo gelaysa gacan private ah taas oo isugu jirta hantida qofku leeyahay, shirkadaha u diiwaan gashan, warqadaha rasmiga ah ee lahaanshaha dhulka IWM.

2.        Daahitaan ku yimaada adeeggii muwaadinka loo qaban lahaa maadaama shirkadda xaqiijinta samaynaysa ay tahay mid gaar loo leeyahay oo ay adagtahay inay qunsuliyadaha dibaddu si sahlan ula shaqeeyaan.

3. Qarash dheeraad ah oo ku kordhaya muwaadiniinta tasdiiqa samaysanaya maadaama marka uu lacagtii dowladda ku soo shubo Maaliyadda haddana laga rabo adeeg dheeraad ah.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!