Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA OO SOO FARO-GELISEY KIISKA MARXUUM LUUL CABDICASIIS

Jidda (Isbahasi) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo adeegsanaya awoodda dowladnimada ayaa markii ugu horreysay si bareer ah u soo faro-geliyey kiiska Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo Muqdisho lagu gubay.

Wasiirka oo ka mid ah xubno ka tirsan Xukuumadda oo dadaal ku bixinaya in la laalo xukunka dilka toogashada ah ee Maxkamadda Darajada 1-aad iyo tan Racfaanka Gobolka Banaadir ay ku xukumeen Sayid Cali ayaa amray Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Jidda in warqad laga soo qoro Awoowaha caruurta ay ka tagtay Marxuum Luul.

Warqaddan oo ay heshay Shabakadda Isbahaysi oo dhanka Qunsuliyadda Jidda uu Kiiskan abaabulkiisa ku lug lahaa Qunsulka Guudka ee Safaaradda Jidda oo lagu magacaabo Macruuf kuna beel ah eedaysane Sayid Cali, ayaa lagu sheegay in Awoowe Maxames Cabdullaahi Warsame oo dhalay Aabaha carruurta ay ka tagtay Luul uu go’aansaday in diyo uu u qaado carruurta 6-da ah ee ay ka tagtay Marxuumaddu, kuwaas oo marar badan ka soo muuqday fadhiyada Maxkamadda.

Lama yaqaan waxa ay warqaddaani ku soo kordhin karto kiiska ka dhanka ah Sayid Cali oo labo Maxkamadood ay dil toogasho ku xukumeen, haddana fara-gelinta qaawan ee xubno ka tirsan Golaha Fulint ay ku hayaan kiiskan ayaa walaac ku abuuraya geeddi socodka caddaaladeed ee qoyska Luul oo ku adkaysanaya in loo qisaaso ninka nolasha ku gubay gabadhooda.

Dhammaad

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Soo Faro-Gelisey Kiiska Marxuum Luul Cabdicasiis

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!