Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO KU DHACDAY KHALAD DIBLUMAASIYADEED OO KU BILOWDAY QARAABO KIIL KUNA DHAMAADAY CADHO REER GALBEED.

(Isbahaysi, Muqdisho) Warbaahinta Isbahaysi ayaa ogaatay in dalka Cuba uu soo aqbalay safiir si qarsoodi ah uu Wasiiru Dowlaha – ahaana ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya – Cali Balcad u magacaabay bishii 3-aad ee sanadkan. Waxaana loo magacaabay Amb. Omar Maxamuud Dufle oo Wasiiru Dowlaha ay qaraabo dhow iyo xidid labadaba yihiin.

Arrinta walaaca weyn abuurtay ee Soomaali badan iyo wadamada Galbeedka ka caraysiisay ayaa ah, in Dowladda Soomaaliya aysan safaarad shaqaysa ku lahayn dalalka Scandinavian-ka ( Sweden, Norway, Denmark, Finland) oo Soomaali fara badan ku noolyihiin, iyadoo dowladdu aysan weli ku guulaysan inay hawlgeliso Diblumaasiyiin loo diray Sweden oo la rabay in laga furo safaarad wakhti fog.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa soo xirtay safaaraddii Soomaaliya ee Canada oo ay ku noolyihiin dhowr boqol oo kun oo Soomaali ah oo qaarkood sharciyadu uga xanibanyihiin in la waayay safaarad caddaysa inay Soomaali yihiin.

“Ma jirto jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Cuba! Sadex arday oo Soomaali ah oo mid ka mid ahi bishan June ay dalka ku soo laaban doonto, marka ay  jaamacadda dhamayso ayaan ku soo arkay dalka Cuba” ayuu yiri Agaasimaha Isbahaysi oo bishii September ee sanadkii hore booqday dalka Cuba.

Hadaba in safiir loo magacaabo dalka Cuba, oo aan Soomaaliya wax Istiraatiijiyad ah ugu fadhiyin, sidoo kale laga tago dalalkii muhiimka ahaa ee wadamada Galbeedka ee Soomaalida badan ku noolayd waxay abuurtay walaac ay wadamada reer Galbeedku u arkeen inaanay Soomaaliya qiimaynayn xiriirka iyo saaxiibtinimada kala dhaxeeya, waana midda cadhada abuurtay.

Cuba ayaa todobaadkii la soo dhaafay martigelisay maraakiib iyo gujisyo Ruushku leeyahay oo qaarkood Nuclearka-ka xanbaaraan, kuwaas oo carbis wada jir ah samaynayay, waxaana la ogyahay Wasiiru Dowlaha magacaabay danjiraha Cuba inuu haysto dhalashada Maraykanka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda  waxaa u dhaxday oo uu qabaa Amb. Omar Dufle oo Cuba loo magacaabay walaashiis, iyadoo dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isna nin kale oo isla reerka Amb. Dufle ah u magacaabay  safiirka Soomaaliya ee Washington, taasoo ka soo horjeeda qaabka ay Soomaalidu wax ku qaybsato ee 4.5 ka ku dhisan.

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!