Friday, September 20, 2024
25.2 C
Mogadishu

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDU: MAKU WADA SOCOTAA DIFAACA BADDEENNA?

(MUQDISHO, ISBAHAYSI) Shacabka Soomaaliyeed ayaa caro xooggan ka muujiyay markii baraha Bulshada lagu arkay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo hal saac gudaheed sadex jeer dib u daabacay qoraalo uu sii daayay xafiiska Raisul Wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed.

Qoraalada uu wasiiru dowluhu dib u daabacay ayaa ahaa hadallo ku jiray khudbaddii Raisul Wasaaraha Ethiopian oo mar kale ku celiyay damacooda waalid ah ee ku aaddan badaha Soomaaliya.

Wasiir Cali Balcad ayaa hadallada uu dib u daabacay ee damaca Ethiopia ku dul-qoray faalo loo arkay inay aad uga hoosayso fikirka gurracan ee Ethiopia, halka qoraalkiisa qaar ka mid ah loo arkay inuu la fikiryahay Raisul Wasaaraha Ethiopia.

Dhinaca kale Shabakadda Warbaahinta Isbahaysi, ayaa ogaatay in Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad uu ka aragti duwanaa wafdiga Soomaaliya shirkii todobaadkan labada dal ku dhex maray Ankara.

Wasiir Cali Balcad ayaa qabay fikir ahaan, in shir fool ka fool ah lala yeesho wafdiga Ethiopia oo waxa uu ugu yeeray caadifadda meesha laga saaro, labada dalna walaalo noqdaan oo gacanta la is qabsado, halka xubnaha kale ee wafdigu ay diideen, waxaana markii danbe xubnaha wafdiga soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku qanciyay Cali Balcad inuu madaxa wafdiga oo ahaa Wasiir Fiqi uga danbeeyo afkaarta dowladda.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii Isbahaysi ay baahisay magacaabid qarsoodi ahayd oo wasiir Cali Balcad uu safiir ugu diray Dalka Cuba oo Madaxweyne Xasan Sheekh ay su’aalo badan ka waydiiyeen wadamada reer Galbeedka, qaarkoodna ay ku hanjabeen inay kaalmada jarayaan.

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDU: MAKU WADA SOCOTAA DIFAACA BADDEENNA?

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
scattered clouds
25.2 ° C
25.2 °
25.2 °
87 %
6.2kmh
27 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
27 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!