Kadib muddo sanado badan ah oo Soomaaliya ay isku dayeysay inay dhaqan geliso nidaamka federaalka, malla oran karaa, waxaa caddaatay in nidaamka Federaalku uusan Soomaaliya midnimo, sinnaan iyo horumar u horseedaynin? Mise la joogaa xilligii dib loogu noqon lahaa nidaamka 18ka gobol oo is-maamul hoosaadkooda leh?
Soomaaliya waxay, Qaran-Jabkii kadib tijaabisay inay ku dhaqanto nidaamka Federaalka, kaasoo ujeedadiisu ahayd inuu isu keeno aragtiyadii kala duwanayd ee siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee ka dhalatay Qarab-Jabkii 1991dii. In kasta oo rajo weyn ay dadka Soomaaliyeed ka qabeen in nidaamka Federaalku abuuri doono midnimo, sinnaan iyo wada- noolaansho ummadeed, haddana waxaa hadda caddaanaysa in uusan ahayn nidaamka saxda ah ee si dhab ah u dhisi kara ummad Soomaaliyeed oo midaysan, nabadgelyo ku wada nool, si simanna u wada horumarta. Sababahaan awgood, waxaa bilowday su’aalo ay dadka Soomaaliyeed is weydiinayaan oo ku aaddan in dalka dib loogu celiyo 18kii gobol maamul ee uu horey u lahaan jirey, ayadoo awoodaha maamulka loo daadejinayo heerka degmo iyo gobol (Devolution System) Nidaamka Federaalka waxaa Soomaaliya looga aasaasay inuu xal u noqdo caqabadihii maamul ee ka dhashay Qaran-Jabkii si nidaamkii dowliga ahaa dib loogu amaamudo. Waxaa nidaamka federaalka ah loo dejiyey in awooda dowladda la qaybiyo, lana awoodeeyo Maamul-Goboleedyada, si loo yareeyo isku dhacyada siyaasiga ah, awoodda maamulkana loogu dhaweeyo bulshada Maamul-Goboleedyada deggan.
Aragtiin ahaan (in theory), habraaca Federaalka waxaa la rajaynayey inuu yareeyo amaba meesha ka saaro xintankii qabiilada, uuna horseedo in goboladu ay ayagu is maamulaan, si waxyaabihii ay taban jireen ama ay hadda tabanayaan ee horumar la’aanta ama eexda ay ayagu mas’uul uga noqdaan wax ka qabashadooda. Si kastaba ha ahaatee, nidaamkii Federaalku wuxuu wajahay caqabado tiro badan oo heer walba ah, sida awood qaybsiga, u sinnaanta horumarka gobolada, iska horimaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Maamul-Goboleedyada, kuwaas oo caqabad aan la dhaafi karin ku noqday faa’iidooyinkii laga rajaynayey in uu nidaanka Federaalku soo hooyo.
Waxaa arintaas tusaale nool u ah, is qab-qabsiga siyaasadeed ee soo noqnoqday ee mar walba u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ee aan dhammaadka lahayn, kaas oo markii khilaaf la dammeeyaba, mid kale soo if-baxayo, khilaafyadaas oo intooda badan ku salaysan dano shaqsi ah oo is diiddan. Khilaafyadaas waxaa loo saarinayaa ragaadnimada nidaamka Federaalka ah ee hadda dalka lagu maamulo oo aan u adeegaynin midnimada, sinnaanta iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.
Cilladaha nidaamka Federaalka Soomaaliya waxaa loo tiirin karaa dhowr sababood. Tan koowaad, hannaanka siyaasad- wadaagga dalka ee nidaamka Federaalka wuxuu noqday mid sii xoojinaya kala qaybsankii ku salaysnaa qabiilaysiga iyo qabyaaladda, taas oo si dhab ah u hor istaagtay midnimadii la rajaynayey in dhaqangelinta nidaamka Federaalku usoo hoyn doono Soomaaliya. Dhinaca kale, meeshii ay Dowladda Dhexe iyo Maamul-Goboleedyadu ka wada shaqayn lahaayeen danta dalka iyo dadka, waxaa mar walba caado noqotay in waqtigu uga dhammaado isku dhacyo ku salaysan arrimaha qoondaynta dakhliga, mas’uuliyadda anmiga dalka, iyo matalaadda siyaasadda.
Tan labaad, dhaqangelinta nidaamka Federaalka laftiisu wuxuu nowday mid aan caddayn, lana joogtayn karin. In kasta oo dastuurka ku meel-gaarka ahi uu qorayo aasaasiyaadka nidaamka Federaalka, haddana waxaa jira qaybo muhiim ah oo aan weli la xallin, kuwaas oo ay ka mid yihiin awood qaybsiga iyo wadaagga khayraadka dalka.
Waxaa intaas dheer, in dastuurka aan weli coddeyn dadweyni loo qaadin, taasoo keentay isku xirnaan la’aan maamul iyo firaaqa awoodeed oo mar walba dhaliya muran dhex mara labada heer ee Dowladda, ugu danbaynna laga dhaxlo deggenaansho la’aan siyaasadeed, amni iyo weliba horumar la’aan baahsan. Ugu danbayn, nidaamka Federaalka, sida ay Soomaalidu ugu dhaqanto hadda waa mid madax-ka-nool ah. Mark alaga reebo in nidaamka Federaalka ee Soomaaliya aysan Ummadda Soomaaliyeed ogolaansho siinin, haddana wuxuuba iskiis ula harjadayaa inuu noqdo nidaam ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee gobolada, waxaana muuqata inuusanba qayb ka ahayn nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed, waxayna arrintaani dadka Soomaaliyeed geyeysiisay inay u arkaan in nidaamka Federaalku uu yahay nidaam shisheeye oo loosoo waariday, kaasoo ku guul darraystay in lagu gaaro wax faa’iido u leh Ummadda Soomaaliyeed nabadgelyo ahaan, adeeg bulsh ahaan amama fursado dhaqaale abuuris ahaan.
Koritaanka ay maalinba maalinta ka danbaysa sii kobcayso qanaaca darrada ay dadka Soomaaliyeed ka muujinayaan nidaamka Federaalka awgeed, waxaa soo badanaya dadka ku doodaya in dalka u diga-rogto nidaamka daadejinta awoodaha ee ku salaysan 18kii gobol ee hore, taas oo ay aaminsan yihiin inay abuurayso degenaansho siyaasadeed iyo maamul waxtar leh. Nidaamka daadejinta maamulka (Devolution System) ee heer gobol iyo heer degmo oo ku salaysan 18kii gobol ee hore wuxuu awoodo dheeraad ah siinayaa is-maamul hoosaadyada heer gobol iyo heer degmo si ay u maareeyaan, una maamulaan khayraadkooda, iyo siyaasaddooda maxaliga ah, una hormageliyaan baahiyahooda sida ay ayagu u arkaan inay mudnaanta u kala leeyihiin.
Habka daadejinta maamulka ee ku dhisan 18kii gobol ee hore wuxuu shacabka gobolada iyo degmooyinka u ogolaanayaa in ay yeeshaan go’aanadooda horumarineed, dhaqan-dhaqaale iyo dhaqan-bulsho, kuwaas oo ay ku kala duwan yihiin gobolda dhexdoodu. Awoodda oo la gaarsiiyo heer degmo iyo gobol waxay xaqiijinaysaa in go’aanada maamulku ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyada degaanada ay khuseeyaan ee gobol iyo degmo walba, taasoo kor u qaadaysa
adeegyada bulshada iyo horumarinta degaanadaba. Taariikh ahaan, nidaamkii ku dhisnaa 18ka gobol wuxuu u taagnaa hab- maamul ku salaysan qaab dhismeedka waddanka, kaasoo ka fudud, kana macquulsan in la hirgeliyo, marka loo barbardhigo nidaamka Federaalka ee hadda jira. Fahamsanaanta ay dadka Soomaaliyeed fahansan yihiin nidaamka daadejinta awoodaha ee ku salaysan 18kii gobol ee hore ayaa ayada lafteedu qayb ka noqon karta in shacabka Soomaaliyeed ay si fudud u ogolaadaan hirgelintiisa, taasoo keeni karta in la helo degganaansho maamul iyo mid siyaasadeed.
Dhinaca kale, habka daadejinta maamulka ee ku salaysan 18kii gobol ee hore wuxuu yarayn karaa is qab-qabsiga siyaasadeed ee ku dhisan qabyaaladda ee ragaadiyey nidaamka Federaalka ee hadda jira, maadaama gobol kasta uu si gaara arrimihiisa hoose asagu ugu tashanayo. Waxaa sidoo kale la rajaynayaa inay yaraadaan is qab-qabsiga u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulada gobolada, maadaama degmo kasta ay six xor ah usoo dooranayso maamulkeeda u gaarka, sidoo kalana gobol kasta uu usoo dooranayo maamulkiisa, maamuladaas oo ayagu ka imaanaya bulshada degaanka dhexdeeda, kana mas’uul noqonayaan qoondada dakhliga la siiyo, iyo horumarka iyo horma-gelinta baahiyahooda degaan.
Sidaas si le’eg, maamul u daadejinta ku salaysan heer gobol waxay kor u qaadaysaa isla xisaabtanka, maadaama shacabku ay si toos ah ugala xisaabtami karaan dadka ay doorteen wixii naaqus ah ee ku yimaada adeegyada bulshada degaanka. Marka gobol kasta uu mas’uul ka noqdo maamulka iyo maareynta qoondada dakhligiisa iyo khayraadkiisa, waxaa bulshadu ay si toos ah ula xisaabtami kartaa maamulada degaanka, taas oo horseedi doonta daah-furnaan maamul iyo maamaul wanaag, waxayna sidoo kale meesha ka saaraysaa xintankii u dhexeeyey gobolda dalka – mar haddii ceeriinka lagu qaybsaday.
Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo dadka Sooaamliyeed oo ka daalay habacsanaanta nidaamka Federaalka ee hadda jira aymuuqato inay u hanqal taaganayaan nidaamka maamul daadejinta ee ku salaysan 18kii gobol ee hore, in la hirgeliyo nidaamka xusub ma noqon doonto caqabad la’aan. In laga guuro nidaamka Federaalka ee hadda jira oo loo guuro mid ku salaysan 18kii gobol ee hore waxay u baahnaan doontaa in dib u habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka siyaasdeed iyo maamul ee dalka hadda ka jira. Sidoo kale, waxaa suuragal ah in qaar ka mid ah maamulada hadda jira iyo siyaasiintuba oo dantooda shaqsiga ah ama tan qabiil ka arkaan nidaamka Federaalka ee hadda jira, ayna ka muujiyaan diidmo in loo wareego nidaamka cusub, aysanna tixgelin midnimada iyo horumarka ka dhalanaya in laga guuro nidaamka Federaalka hadda jira oo dadka Soomaaliyeed intooda badan ku qanacsan yihiin inuusan midnimo iyo horumar waddan midna keenaynin, loona guuro hab-maamulka cusub ee ku salaysan 18kii gobol ee hore.
Sidoo kale, meesha kama maqna inay jiri karto in hab-maamulka cusub uu bilowga la iman karo caqabado ay ka mid tahay in awoodda faraha badan oo uu siinayo maamulada goboleeda iyo degmooyinka ee dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ay ku adkaato in si hufan loo maareeyo inta kor looga qaadayo aqoonta iyo kartidaas. Caqabadaha kale ee iman kara, una baahan in laga sii baaraan dego waxaa ka mid ah, in maamul-goboleedyada cusub ay isku dayaan inay yeeshaan siyaasad u gooni ah, taasoo ugu danbayn wax u dhimi karta midnimda iyo isku xirnaanta dalka.
Haddaba, In Soomaliya ay kala doorato inay kusii dhaqanto nidaamka Federaalka ee hadda jira, iyo inay qaadato nidaam cusub oo awoodda u daadejinaya heerka ugu hooseeya, kaasoo ku salaysan 18kii gobol ee hore waxay u baahan tahay dood cilmiyeysan, in dadka Soomaaliyeed ay isku raacaan iyo in la dejiyo qorshe kala guur oo aad u xirfadeysan. Ayadoo la eegayo waxyaabihii aan ka barannay nidaamka hadda jira ee Federaalka, isbedel kasta oo nidaamka dowliga ah lagu samaynayo waa inuu ahmiyadda siiyaa kor u qaadista aqoonta shacabka, wadaagga khayraadka dalka iyo dhammaystirka dastuurka dalka oo laysku raacsan yahay, wax mugdi ahna uusan ku jirin qodobadiisa aasaasiga ah, si looga fogaado caqabadihii horey u ragaadiyey hor-u-socodka iyo horumarka dalka. In la tashiyo heer Qaran al hirgeliyo ayaa ayaduna waxay sharciyad dhammaystiran iyo taageero caam ah siin kartaa nidaam maamul oo kasta oo ay Soomaaliya ku bedelato kan fadhiidka noqday ee Federaalka ee hadda jira.
Ugu danbayn, Ujeedada qormadaani waa in la joogo xilligii la bilaabi lahaa doodo cilmiyeysan oo ku salaysan sidii loo heli lahaa nidaam maamul oo keeni kara nabadgelyo waarta, midnimo iyo horumar, si loo xaqiijiyo in dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gobol kasta oo ay joogto, ay ka faa’iidi karto maamul wanaagga laga dhaxlo nidaamkaas, maadaama ay caddaatay in nidaamkii aan kusoo meel gaarnay ee Federaalku uu ku filnaan waayey baahideenna ummadeed ee nabadgelyo, siyaasad, bulsho iyo dhaqaalaba, uuna abuuray hubanti la’aan nololeed, nabadgelyo xumo qabiilaysan, hummaag kala- sarrayn iyo adeeg bulsho la’aan.
____________________________
Qore: Mudane, Balal Maxamed Cusman; Wassiru-Dowihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Email: [email protected]; skype: bcusman1