XAALADDA MAGAALADA CEERIGAABO OO DAGAAL TOOS AH CAGAHA LA SII GALAYSA

0
Xaaladda Magaalada Ceerigaabo oo Dagaal Toos ah Cagaha La Sii Galaysa
Xaaladda Magaalada Ceerigaabo oo Dagaal Toos ah Cagaha La Sii Galaysa

CEERIGAABO (ISBAHAYSI) – Xaaladda colaadeed ee magaalada Ceerigaabo ayaa ka soo daraysa, iyada oo xog ay Isbahaysi heshay tibaaxayso in maamulka Somaliland uu ciidamadiisa jooga gobolka Sanaag amar ku siiyey inay weeraraan qaar ka mid xaafadaha magaalada Ceerigaabo.

Xaafadahan oo ay ku dhaqan yihiin shacabka ka soo jeeda deegaannada SSC-Khaatumo ayaa waxaa toddobaadkii hore ka dhacay weerar isugu jira boob hantiyeed, xarig iyo dil si gaar ah loogu beegsaday, iyada oo falalkaas lagu eedeeyey ciidamada milatariga Somaliland, waxaana tan iyo xilligaas xaafadahan ku sugnaa shacab hubaysan oo is abaabulay iyo qaar ka mid ah ciidamada maamulka SSC-Khaatumo oo gudaha u galay magaalada.

Sidoo kale, magaalada ayaa ah mid haawanaysa oo ay ka qaxeen inta badan shacabkii ku dhaqnaa, waxaana kaantaroollada laga galo iyo hareeraha magaalada fadhiya ciidamada Somaliland oo sheegay inay difaacayaan Ceerigaabo.

Dhanka kale, Ciidamada SSC-Khaatumo iyo ciidamo kale oo ka yimi dhanka bariga Sanaag ayaa ku sii siqaya agagaarka Ceerigaabo, iyada oo xubno u hadlay ay tilmaameen inay gurmad u yihiin shacabkooda dhibaatada loogu gaysanayey magaalada muddadii ay Somaliland ka talinaysay.

Magaalada Ceerigaabo oo ay saamayn weyn ku yeesheen colaadihii ka dhacay Gobolka Sool ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo shacabka deegaannadaas ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal soo noqnoqday oo dad shacab ah loo gaystay, taas oo la sheegay inay gaysteen maleeshiyo beeloodyo abaabulan iyo Ciidamada maamulka Somaliland.

Inkasta oo bilihii la soo dhaafay magaalada laga dareemayey saansaan nabadeed ka dib marki odayaasha dhaqanka ee dagaannadaasi ay kulmeen, balse hadda Ceerigaabo ayaa u muuqata mid cagaha la sii galaysa colaad toos ah oo ka qaraxda gobolkaas.

Ilaa hadda ma jiro wax waanwan iyo xal nabadeed ah oo muuqda iyo dadaallo lagu baajinayo colaado lagu hoobto oo ka dhaca magaalada Ceerigaabo, iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Calaamku aysan ilaa hadda ka hadlin colaaddan soo horta leh.