Thursday, September 19, 2024
25.4 C
Mogadishu

XALAALAYNTII GALMUDUG IYO XUJADA SSC-KHAATUMO EE XASAN SHEEKH

Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dadaal fara badan oo isugu jira Wakhti, dhaqaale, iyo dib u heshiisiin ku bixiyay muddo-xileedkiisii hore dhismihii Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay sanad ku dhowaad u fadhiyeen Galmudug sidii la isugu soo dhoweyn lahaa beelaha iyo siyaasiyiinta kala hoggaaminayay maamulladii kala duwanaa ee Galmudug ka dhisnaa.

Dhismihii Galmudug waxaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheikh kaga baxay malaayiin dollars iyadoo si loo dhammaystiro dhismaha Galmudug dadkii xujada ku ahaa qaarkood xilal lag siiyay dowladda Federaalka ah,  halka kuwa kalena la siiyay balan qaadyo isugu jira dhaqaale iyo xilal, waxaana sidaas oo dhan loo samaynayay in la fududeeyo dhismaha Galmudug loo dhanyahya oo ay ku midaysanyihiin Gobolka Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Waxaa intaas dheeraa xilligaas waxay dowladdu dhegaha ka furaysatay baaqyo la xiriiray inaysan Galmudug buuxin shuruudihii Dowlad Goboleed sida uu dastuurku qorayo oo ah labo gobol iyo ka badan.

Hadaba waxaa muuqata in Madaxwayne Xasan uu arrinta SSC-Khaatumo ku wajahayo si ka duwan sidii Galmudug, haddii la eego xagga Istiraatiijiyadda waxaa meel muhiim u ah midnimada dalka oo la rabay in lagu bixiyo dadaal intuu doono ha  ahaadee, waxaase muuqata taa beddelkeeda in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay xujo hordhigeen dhamaystirka SSC-KHAATUMO,  iyagoo dadka deegaanka iyo Maamulka ku amray inay keenaan beesha Warsangeli si maamul loogu aqoonsado.

Inaysan dowladdu wax dadaal ah ka gaysan isu soo dhoweynta dadka deegaanka, dhaqaale ku bixin haddana ay sugayso in loo keeno maamul dhamaystiran waxay u muuqataa xujo ay dowladdu hor dhigtay dadka deegaanka iyo inaysan dowladda Madaxweyne Xasan dhex-dhexaad u ahayn Shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaan maamulada cusub ee dalka ka jira xilligii ay abuurmayeen marnaba ma dhicin in shuruudo lagu xiro, taas bedelkeeda dawladda FS ayaa marwalba garab taagnayd dhaqaale iyo juhdina ku bixinaysay yagleeshooda. Marka aan qiimayno maanta halka ay marayso SSC KHAATUMO iyo heerka diyaar garowga maamul ee ay gaartay, waxaa cad in ay buuxiyeen shuruudihii dastuuriga ahaa ee u ogolaanayey in ay xubin ka noqdaan Dawladda Federaalka Soomaaliya

Going to China: A Lesson in Modernization for Africa, Not an Opportunity for Beseeching

The increasing demand for Africa’s vast natural resources has led to a modern-day scramble by both big powers and middle powers alike, echoing the...

AGAASIMAHA GUUD EE VILLA SOMALIA OO QARKA U SAARAN IN UU ISCASILO

Maalmahan Madaxtooyada Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka taagan Jaah wareer xoog leh oo ku saabsan dhanka maamulka Xafiiska Warfaafinta Villa Somalia, Agaasimaha Guud ee...

ETHIOPIA’S AGGRESSION TOWARDS SOMALIA: ROLES OF EGYPT AND TÜRKIYE?

The illegal Memorandum of Understanding (MoU) signed at the start of 2024 between Ethiopia and a tiny secessionist group in northern Somalia’s Somaliland region,...

SALES TAX IN SOMALIA DOESN’T HAVE THE SAME IMPACT IN EAC NATIONS

(Isbahaysi, Mogadishu) Some individuals are drawing comparisons between Somalia and East African Community (EAC) member states in terms of Value-Added Tax (VAT). However, such...

UGU CAANSAN

1,200FansLike
3,400FollowersFollow
4,000SubscribersSubscribe
Mogadishu
clear sky
25.4 ° C
25.4 °
25.4 °
90 %
7.1kmh
0 %
Fri
27 °
Sat
28 °
Sun
28 °
Mon
27 °
Tue
26 °

Get important news delivered directly to your inbox and stay connected!